Gudoomiyaha Ururka Samafalka ee Tawfiiq Oo nooga Waramay Ururkiisa iyo nolosha Soomaalida ku dhaqan Jarmalka.

0
1137

HANOVER, (HargeisaPress) —  Guddoomiyaha  Ururka Samafalka ee Tawfiiq Abdikariim Mohamed Mohomed (Abdikariim Qorgaab) ayaa isaga oo jooga Wadanka Germany  nooga xog waramay waxqabadkii ururka yo waxyaabaha uu tiigsanayo.

 

 

Ururka  Tawfiiq waa urur samofala oo ay ku bahoobeen dhalinyarada Gobolda Maroodijeex, Hawd Iyo Togdheer ah oo dibedda iyo gudaha kala jooga.

 

Gudoomiyaha Ururka Samafalka ee Tawfiiq Abdikariim Qorgaab waxa uu sidoo kale ka waramayaa doorka dhalinta uga banaan horumarka dalka iyo baaxada bahiyaha dalka ka jira.

 

Gudoomiyaha Abdikariim Qorgaab ayaa ayaa ka waramay nolosha Soomaalida ku dhaqan wadanka Jarmalka.

 

Haddii aan ka waramo xaga nolosha Soomaalida ku dhaqan wadanka Jarmalka sida laga yaabo in ay la socdaan dad badani , Jarmalku waxa uu ka mid yahay wadamadii yurubta galbeed ee ay ku soo jabeen quxuuntiga Soomalid dabayaaqadii sanadihii 80-aadkii iyo ilaa horaantii sanadihii 90-aadkii, hasayeeshee Soomalidu inta badan kumay hakanin wadankan Jarmalka waxaanay u soo dhaafeen wadamada kale ee la jaarka sida Holland iyo Britian. Sababtuna waxay tahay wadanka Jarmalka oo aad ugu adag xaga bixina dhalashooyinka iyo sharciyada deganaanshaha wadanka marka loo eego marka loo eego wadamada sida ay u bixiyaan wadamada kale ee soo dhaweeya quxuuntiga magangelyo doonka ah.

 

Wadanka Jarmalka waxa ku nool qiyaastii ilaa 3500 oo Soomaali ah oo badankoodu soo galay wadankan horaantii sanadihii 90-aanaadkii, waxay dadkaasi ku baahsan yihiin magaalooyinka waawey ee wadanka Jarmalka sida Coln; Bonn, Izo Frankfurt.

 

Guud ahaan xaga nolosha Soomaalida Jarmalku waxay la wadaagaan dhibta iyo dheefta nolosha qurbaha ee wadamadan galbeedka jaaliyada kale ee Soomaaliyeed ee iyaduna degan qaaradan yurub.

 

sida ay  ii sheegay qaarkamida somalida dhaqan magaalada Nordhorn Oo Ku Taala Meel U Dhaw Xadka Uu Jarmalku La Wadaago Wadanka Netherland:

 

Inta badan Soomaalida ku dhaqan wadankan Jarmalku waxay iskugu jiraan dhalinyaro shaqaysata, kuwo waxbarta iyo qoysas ku tiirsan dhaqaalaha ay bixiso dawlada Jarmalku.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here