Qoysas Ku Barakacay Roobab Ka Da’ay Jabuuti

0
985

Djibouti (Hargeisa Press)- Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka da’een waa weyn.

Roobabkan oo aad u weynaa ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay biyo dhigeen dalkaasi Jabuuti.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Roobabkani ka da’ay Jabuuti uu saameeyay isku-socodkii Dadka iyo Gaadiidka.

Sidoo kale, Roobabkan ayaa waxa ay si weyn u saameen islamarkaana ay waxyeeleeyeen Dadweynaha Dalkaasi iyadoona la sheegay in dowladda Jabuuti ay gacan ka gaystay taakulaynta dadka ku waxyeeloobay roobabkan.

Dhinaca kalena, roobabka ka day’aya Geeska Afrika ayaa saameeyn ku yeeshay degmada Bareeda oo ku taalla cidhifka Bari ee Puntland, Guddoomiyaha Degmada Bareeda Abshir Maxamed Muuse ayaa shegay in degmadu ay ka go’antahay dalka intiisa kale maadaama roobabku ay gooyeen jidkii tagayay degmadaasi.

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here