Somaliland: Xildhibaanadda Golaha Guurtidda Oo Kulan Deg Deg ah Loogu Baaqay

0
572

Hargaysa (HP): Xildhibaanadda golaha Guurtidda Somaliland ayaa loogu baaqay in ay maalinta beriya isugu yimaadaan kulan lagu sheegay in uu mid muhiim ah.

Sida uu shaaciyay xoghayaha guud ee golaha Guurtidda Somaliland C/naasir Aadan Beegsi, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa.

Kulanka loogu yeedhay mudaneyaasha golaha Guurtidda ayuu xoghayuhu ku sheegay in mid muhiimad weyn u leh qaranka, isla markaana xildhibaanadda looga baahan yahay in ay wakhtiga ilaaliyaan.

C/naasir Aadan Beegsi, oo xildhibaanadda wargelintaasi u dirayayna waxa uu yidhi, “Mudaneyaal anagoo og soon, hawsha baaxadda leh iyo shaqadda aad qaranka u haysaan.

Waxaan idin ogaysiinaynaa in la isugu iman doono beri oo Axad ah, bishu-na tahay 24-ka bisha 11aad ee sanadka 2019-ka, arrin muhiim u ah qaranka”.

“Sidaas darteed, mudaneyaal meel kastoo aad joogtaanba waxaa la idinka codsanayaa, la idinku-na wargelinayaa in aad ka soo qayb gashaan kulankaa muhiimka ah. idinkoo wakhtiga dhawri doona.

Kulankaasi oo ka qabsoomi doona xarunta golaha Guurtidda, beri oo Axad ah. haddii ALLE idmo”ayuu yidhi Xoghayaha guud ee golaha Guurtidda Somaliland.

Dhinaca kale kulankan berito loogu yeedhay xildhibaanadda golaha Guurtidda Somaliland ayaa la filayaa in uu la xidhiidho arrinta muddo kordhinta la shaaciyay in loo samaynayo xildhibaanadda golaha Wakiiladda.

Taasoo ay todobaadkii hore sheegeen golaha Guurtidu in uu madaxweynuhu u soo gudbiyay waraaq uu kaga dalbanayo in muddo kordhin loo sameeyo golaha Wakiiladda.

Iyadoo ay loo saaray guddi xildhibaano ah oo ka tirsan golaha Guurtidda si ay uga soo tallo bixiyaan.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here