Qorshe Shaqaalaha Dowladda Lagaga Kafaalo-qaadayo 50% Kharashka Caafimaadka iyo Daawaynta oo Gacanta Lagu Hayo

0
643

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo shaaciyey habka loo qorshaynayo in qofka shaqaalaha ah 50% looga bixiyo kharashka ku baxaya haddii uu xannuunsado

Hargeysa (HargeisaPress)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe, ayaa shaaciyey in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay dedaal ugu jirto sidii shaqaalaha dowladda loogu heli lahaa qorshe kharashaadka adeegyada caafimaadka iyo daawooyinka xiliyada ay xannuunsadaan looga bixin lahaa 50%, halka qofka shaqaalaha ahna loo dhaafay inuu 50% qudha iska bixiyo wixii kharash caafimaad ah.

Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe oo waraysi siiyey telefiishanka Sahan TV maalintii Sabtida ee toddobaadkan, waxa uu caddeeyey in Xukuumaddu diyaarinayso sidii miisaaniyadda sannadka 2021-ka haddii Ilaahay yidhaahdo loogu dari lahaa kharash dhan ah in qofka shaqaalaha dowladda ah adeegyada caafimaadkiisa laga bixiyo 30%, halka sidoo kale 20% loo qoondeeyey inay bixiyaan cusbitaallada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Somaliland, taasoo isku noqonaysa in qofka shaqaalaha ah kharashka caafimaadkiisa laga daboolo 50% mustaqbalka dhaw, Insha Allaah.

“Waxa aannu doonaynaa in aannu baadi doono oo xaqoodii oo ah in gunnooyinkooda la kordhiyo, la baadi doono sidii mushaharkooda wax loogu dari lahaa, waana sababtaa aannu darajada u sii jajabinayno, sidoo kale hoy iyo caafimaad sidii loogu heli lahaana aannu doono oo ka shaqayno sannadaha ay doonto ha nagu qaadato oo Xukuumadda ama Dowladda sannadaha ay doonto ha ku qaadato ee in aannu taasna baadi doono oo Adduunka ama ciddii aannu ula qayshan karno ula qayshanno ama aynu innagu isku tashanno, waayo qorshayaasha aannu wadno ama daraasaadka aannu imminka wadno waxa ka mid ah in caafimaad jaban loo samayn karo shaqaalaha dowladda oo ay dowladdu 30% ugu darto miisaaniyadda Wasaaradaha sannadka 2021-ka, halka doonayno in goobaha caafimaadka, sida cusbitaallada dowladda iyo cusbitaallada gaarka loo leeyahayba ay bixiyaan 20%, qofka shaqaalaha dowladda ahna uu iska bixiyo 50%, markaa haddii qofka laga dul-qaado 50% kharashka caafimaadkiisa iyo dawadiisa, waxa weeyaan rajo ayuu haystaa haddii uu xannuunsado, waayo qofka shaqaalaha ah ee xannuunsada waa adeeg, aqoon, tamar iyo xirfad ka xannuunsatay qaranka, sidii loo daryeeli lahaana waa waajibaadka ugu horeeya ee qaranka saaran, markaa waxyaabahaas ayaannu u samaynaynaa qofka shaqaalaha ah, waana waxyaabaha aannu u samaynay shuruucda in la ilaaliyo xaqa shaqaalaha oo keliya ma baadi doonayno uun xaqa shaqada loogu leeyahay, waxaanan imminka culayska saaraynaa oo aan anigu ku dedaalayaa in la baadi doono xaqa uu shaqaaluhu leeyahay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu.

Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe, ayaa sidoo kale sheegay in gabi ahaanba la joojiyey nidaam hore uga dhex jiray Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowliga ah, kaasoo ahaa in qofka shaqaalaha ah ee geeriyooda ama dhoofa uu booskiisa shaqo dhaxal ahaan u qaadan jiray qof ehelkiisa ah, balse hadda arrintaas la joojiyey, kadib markii ay Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu ka soo saartay wareegto.

“Waxay ahayd arrin laf-jab ku ah qaranka, waxaanan ka soo saarnay wareegto oo xafiiskayaga ayaa ka soo saaray oo Madaxweynuhu ogaysiin ayuu ku lahaa, Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxbannaan ee dowladda waannu u kala dirnay, ku-talo-galkuna waxa weeye in gabi ahaanba la joojiyo dhaxalkii. Waayo, haddii jagooyinka dowladda iyo shaqadu ay noqoto mid dhaxal lagu yimaado oo marka uu nin dhinto la yidhaahdo inankiisii ha la geliyo ama inantaydii ha la geliyo ama gabadh marka ay ka baxo shaqada ay tidhaahdo; ‘inantaydii ha la geliyo ama walaalkay ha la geliyo’ waxay innaga noqonaysaa sidii balloodhadii la kala dhaxlayey ama geellii la kala dhaxlayey iyo sida kuraasidii cuqaasha ee la kala dhaxlayey, haddii ay shaqada dowladda ee qaranku ay dhaxal noqotana waxa imanaya inuu soo fadhiisto mid aan u dhawayn caaqilkii hore ee lagu beddelay oo kale oo waxay innaga noqonaysaa in aan hab-raacyada iyo nidaamka Adduunku ku shaqeeyo aynaan ku shaqayn, markaa arrintaas waannu suulinay, mana shaqayso oo saddexdii bilood ee u dambeeyey may shaqayn, gabi ahaanba meesha waynu ka saarnay oo mana jirayso, mana dhacayso in qof uu dhaxal ahaan ku yimaado shaqada dowladda oo ha ahaado mid dhoofaya oo yidhaahda; ‘anigu waan dhoofayaaye walaalkay ha la igu beddelo.’ Maalin walba dadka noocaas ah way noo yimaadaan oo ma suurtogelayso ayaannu nidhaahdaan oo waannu ka saarnaa, markaa wareegtadaasi si fiican ayey u dhaqan-gashay, waanan uga mahadnaqayaa Agaasimeyaasha Guud, Wasiirrada iyo madaxda Hay’adaha Dowladda oo dhan inay arrintaas fuliyeen, marka loola tagana cidda ay u taag-waayaan, anaga ayey noo soo diraan oo waxay yidhaahdaan; ‘wareegto ayaa arrintaas ka soo baxday oo Hay’adda Shaqaalaha ayaa joojisaye iyaga u taga.’ Anaguna waxaannu nidhaahnaa; ‘MAYA’ oo ma ogolaano,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu.

Waxaannu intaas ku daray; “Kuraasida shaqooyinka dowladdu noqon mayaan in dhaxal lagu yimaado, ilayn haddii kale kayga (kursigayga) ayaa berrito la odhanayaa; ‘dhaxal ayaannu u lahayn.’ Markaa runtii waxa aannu ku soo celinaynaa nidaamkii saxda ahaa ee hufnaanta ahaa ee daah-furnaanta ahaa ee xalaasha ahaa oo taas ayaannu doonaynaa in intii Alle na garansiiyo in aannu ku soo celinno nidaamka shaqaalaysiinta, xulista iyo shaqadaba, Insha Allaah.”

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu sheegay in qofka dhinta ama hawl-gabka noqda magaciisa laga saari doono liiska shaqaalaha dowladda, waxaannu yidhi; “Qofka hawl-gabka noqda ama dhinta waa laga saarayaa (liiska shaqaalaha), kadib marka laga saarana, haddii ay baahi shaqo u timaado Wasaaraddaas waxay noqonaysaa in booskaas shaqo cidda buuxinaysa loo xayeysiiyo (oo lagu soo tartamo), haddii kalena waa waxyaabaha aannu doonayno in aannu ku suulinno shaqaalaha ku-meel-gaadhka ah ee imminka ku sii hadhay Wasaaradaha, waana waxyaabaha aannu doonayno in aannu kaga saarno, kuna suulinno.”

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda, ayaa sidoo kale caddeeyey in aanay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowliga ah wax shaqaale cusub ah qaadanayn sannadka 2020, balse taas beddelkeeda Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda laga shaqaalaysiin doono dhallinyarada ku soo baxday mashruuci shaqo-qaran.

“Sannadka soo socda (2020) miisaaniyadda kuma jirto wax shaqaale cusub ah oo la qaadanayo oo aan ahayn Shaqo Qaran, taasna waa la isla qaatay oo waxa la qaadanaya oo qudha Shaqo Qaran oo badnaa, iyagoo sannadkii hore ayaa 1400 (kun iyo afar boqol), sannadkana (2020) la filayo in wax la qaato, markaa taas ayaa noqotay dhiirigelin fiican iyo nidaam caddaalad ah oo gobollada oo dhan si fiican looga soo xulayo, anaguna waanu dhiirigelinay taas oo taas ayaannu doonaynaa in qaranka oo dhan ku shaqeeyo sannadaha soo socda, haddii Ilaahay yidhaahdo, markaa ku-talo-galkayagu waxa weeyaan, si loo suuliyo shaqaalaha ku-meel-gaadhka ah, waana in aannu abuur karno saaxad sharci ah oo inta soo baxda marka imtixaan laga qaado ay uga mid noqon karayso Hay’adaha ay la joogaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here