Madaxweyne Biixi Isagoo Aan Dhamaysan Laba Sanadood Ayey Awoodiisii Ku Shaqeysanayaan Caruurtii uu Abtiga u ahaa iyo Kuwii uu Dhaley

0
654

Waxaa Wax Lala Yaabo ah in Halagankii SNM Ee Shacbiga Reer Somaliland soo galeen Caruur iyo Ciroolaba gaar ahaana Beesha Dhexe Waxa Ilaa iyo Maanta ku Calaamadsan, In Dhaqdhaqaaqii ka Bilaabmey kadib Markii Maxamed Siyaad Barre ay taladii la Wadaageen Beeshiisii, Xigtadiisii, Qaraabadasii ilaa Qoyskiisii ee uu Cabdiraxmaan Cali Barre ka dhigay Wasiirka Arimaha Dibadda.

Waa Sabab Weyn oo mucaaradadii umada Soomaaliyeed ka bilaabantey,inkastoo Maxamed Siyaad Barre Sanadihii  u horeeyay ka Xishooday in Caa,iladiisu ka dhex Muuqato Shacabka Waxaanay ku dhex jireen Dadweynaha Caadiga ah mudo badan oo lawada garanayo.

Madaxweynayaashii Somaliland soo marey May Dhicin Taariikhda in Inamadooda ay iyagu dhaleen, iyo Kuwa ay abtiyaasha iyo Adeerka u yihiin Soo faragaliyaan Maamulka Wasaaradaha iyo Kuwa Kale ee Gobolada Waxaan La Yaabanahay in ay Arintani Tahey mid Reer Gabiley ku Gooniya iyo in ay Tahey mid uu Dalka intiisa kale la Qabo, Waxaan baridhaweyd Maqlayey  in Inankiisu Ganacsade Weyn Noqdey intan uu isagu Talada Hayey, maanta Waxaan Daahba Saarneyn inamada uu abtiga u Yahey in ay Fara-baas  Ku hayaan Maamulkii Degmooyinka iyo Gobolada Maayarka Gabiley Wuu Dedaalay oo Wuu Bixiyay Lacagtii (Town Balanka), Laakiin Ma Xaqbaa in Inan uu Madaxweynuhu abti u Yahey oo Katirsan Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeyntu ka Awood bato.Agaasimayaashii Waaxyaha oo dhan, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda iyo Wasiirkiiba, Ma Xaqbaa in uu Lacagtii D/hoose Bixisey ee Cashuurta aheyd ee Dadka Reer Gabiley ka Qatanyihiin uu isagu Jeebabka ka Buuxsado oo Guriga Martida hoosta kasoo Xidho.

Waxaynu Yeelayno ma aha intaana Waynu garanaynaa haduu Madaxweynuhu Laabta u Tumay Caruurtiisii oo ku yidhi Waxaad doontaan Booba hantida ugu badana Gacanta ku dhiga Laakiin Hargeysa uun iska ilaaliya oo Gabiley iyo Jabuutiba kusoo Cunna  Waa Taariikh Xumo aan Waligii ka hadhi Doonin oo Muuse Biixi gooni u noqonaysa Waar Miyay jiraan Madaxweyne aanu Naqaaney inan uu.Abti u Yahey oo Madaxda Gobolada oo dhami ka baqanaysay, majiraan  oo Wasiiradu udaba fadhiisanayeen Shaqadii Wasaarada oo Waxaan hadalkyga kusoo gunaanadayaa Madaxweyne Biixi isagaa Soo afjaraya Mudo Xileedkiisa una malayn Maayo in uu Labadaa Sanadood Badh Dambe ku darsanayo isagoo aan Dhameysan Labada Sanadood ayaynu arkeynaa in Awoodiisii at Ku Shaqeysaayaan Caruurtii uu abtiga u ahaa iyo Caruurtiisii.

Najiin Ismaaciil Maxamed
Somaliland   Gabiley
Tell:0634466339

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here