Qaybta TB-da ee Cusbitaalka Caynaba Oo Roobab Ay Waxyeelo Soo Gaadhsiiyeen

0
464

Caynaba (HP): Maayarka degmadda Caynaba iyo masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saraar, iyo xubno ka socday wasaaradda caafimaadka ee heer qaran ayaa maanta soo kormeeray khasaaraha uu roobku soo gaadhsiiyay cusbitaalka TB-da ee magaaladda Caynaba.

Maamulka dawladda hoose ee Caynaba ayaana inta dib u dhis lagu samaynayo xaruntii TB-da waxay dhisme kale oo lagu sii shaqeeyo u kireeyeen, si ay shaqadu u sii socoto.

Roobab maalmihii ina dhaafay ka da’ayay gobolka Saraar ayaa dhibaatooyin soo gaadhsiiyay xaruntii TB-da Caynaba, ee loogu shaqayn jiray laguna baadhi jiray dadka qaba ama laga shay-baadhayo TB-da.

Waxaanu roobku jiingadii ka qaaday qaybtii TB-da, iyadoo sidoo kalena ay waxyeelo iyo bur bur soo gaadhay qalabkii lagu shaqaynayay.

Maayarka degmadda Caynaba oo hore qaylo-dhaan uga diray arrintaasi ayaa waxaa baaqiisii ka soo jawaabay wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saraar Maxamed Abokor, ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka sidii deg deg ahayd ee ay uga soo jawaabeen baaqii ay hore ugu direen masuuliyiinta caafimaadka.

Xasan Yuusuf Aadan, maayrka degmadda Caynaba ayaa u mahad celiyay wasaaradda caafimaadka Somaliland oo si dhakhso ah uga soo jawaabtay baaqii ay u direen ee  la xidhiidhay waxyeeladda soo gaadhay qaybtii TB-da ee cusbitaalka Caynaba.

Geesta kale Dr. Ayaanle Cali Maxamuud, oo ka mida dhakhaatiirta ka hawl galla wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in ay mar kale warbixin iyo qiimayn ku samayn doonaan khasaaraha dhabta ah ee ay roobabku gaadhsiiyeen cusbitaalka Caynaba.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY