Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Istanbul

0
710

Istanbul (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa cambaareeyay “Weerarka uu ku sheegay mid waxashnimo ah” oo ka dhacay bartamaha Istanbul, kaas oo uu sheegay inay ku dhinteen lix qof.

Qarax ka dhacay bartamaha Istanbul maanta oo Axad ah, ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 38 qof, sida uu sheegay guddoomiyaha magaalada Istanbul Ali Yerlikaya.

Qaraxa oo aan la ogeyn waxa sababay, ayaa dhacay wax yar kadib 4-tii galabnimo, kaas oo ka dhacay wadada caanka ah ee Istiklal oo ay inta badan dalxiiseyaasha iyo dadka deegaanku iskugu yimaadaan.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada xilliga uu qaraxa dhacayay, ayaa muujinayay holac ka kacay goobta.

Jugta qaraxa, ayaa sidoo kale laga maqlay meelo fog fog.

Waddada Istiklal, ayaa waxaa hore u saameeyay weerarro xidhiidh ah oo lagu bartilmaameedsaday Istanbul sannadihii 2015-2016 oo ay sheegteen kooxda Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here