Qarankii Xar Baa Galay !! Qallinkii: Samia Muse

0
1141

Waxaa ayaan darro ah xadhiga Nuuradiin Diini oo caawa lagu xidhay Hargeisa taas oo ah xaqdaro badheedh ah micnaheeduna ay tahay Ha Hadlin Ha Jooqin , Aniga o ah Samia Muse waxaan si toosa ogu canbaaraynaya xukumada Somaliland iyo cidii kastaba oo ka danbaysa xadhigan xaqdarada ah, Waxaanan xukumada ogu baaqayna inay si deg deg ah oo siisyo Muadin Nuuradiin Diini xoriyadiisa.

 

Caawa Abaaro 10:30 habeenimo ayaa Ciidamada Booliiska Magaalada Hargeysa Ay Masuulkan ka Xidheen Maqaaxi ku Taal Agagaarka Masjidka Ali Mataan oo uu Masuulkani ka Shaaheynayey, ilaa hadana lamo garanaayo sababta dhabta ah ee ka dambeysay Xadhiga Afhayeenka Ururka Muwaafiqo, balse ilo wareedyo Madaxbanaan ayaa Tibaaxey in Xadhiga Masuulkan laga soo amrey Aqalka Madaxtooyada oo sida la sheegay ka Cadhooday Dood Maalintii Shaley aheyd ka dhacdey Hotel Kaah oo lagu lafo gurayey Heshiiska Maalgalinta Dekadda Berbera, islamarkaasina uu Masuulkani kamid ahaa dadkii ka Biyo diidey Heshiiskaasi dhaxal wareejinta ah ee Dekadda Berbera.

 

 

Xilka gudashadiisi

Qofba daya xagiisi

Danta guudna laga Xiiq

Ta gaarka o xoogsadee

 

Xaqa Jeelka lagu tuur

Dulmiguna xor sii noqoy

Dhar xariira loo gali

Xurma beenta lagu soor

Runna xerada loo diid.

 

 

Samia Muse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here