Bulshada Gobolka Sool oo si Wayn ugu Diirsatay Socdaalkii Saxar tire ee Shanta Wasiir ku Yimaadeen Gobolkooda iyo Kaalintii Hogaamineed ee Wasiirka Madaxtooyada

0
1253

Dal jir samaha nagu daajiyoo daacad ku hogaansha

Nin  daneeya baahida dadkoo danaha guud eega

Dildilaaca nin naga awdayoo naga daboolaaya

Daba socodka duumada qabiil naga dawaynaaya

Darifyada nin wada gaadhayoo dacalna seegaynin

Gabaygii Daljir Erayadii iyo Qalinkii  ABwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

 

Waxaa Maalinba Maalinta ka danbaysa soo badanaya Indheer garadka arimaha Siyaasada u kuur gala ee Mucaarid iyo Muxaafidba leh  kana marag kacaya Dadaalada xoogan ee Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ugu jirto  u kuur galida nolosha dadwaynaha Bari iyo Galbeedba, Adkaynta Nabadgalyada  ,Horomarinta Adeegyada Danta Guud ee Aasaaska u ah nolosha Aadamaha ,Turxaan bixinta Khilaafyada soo kala dhex gala ,Isku soo dhawaynta Bulshada S/land ee Walaalaha ah iyo Guubaabada joogtada ee Muwaadiniinta la barbar taagan yihiin  anigoo qormadan ku lafo guri doona Socdaalkii u danbeeyay ee Shan Wasiir oo Xukuumada  S/land ah iyo Xilldhibaano Golaha Wakiilada ka tirsani   ku tageen Gobolka Sool socdaalkan Waftiga Wasiirada ah oo Magacyo badan oo soo dhawayn ah ay ku qaabileen Bulshada ku dhaqan Gobolka Sool waxaa ka mid ahaa  Saxar tire, Samo wade,Sinaan wade .

 

Maalin  ku taariiriikhaysan 30/5/2016 ayay Waftigan  Wasiiro iyo Xilldhibaano ahi socdaal  ku tageen Gobolada Bari ee S/land ,Waftiga oo ujeedada safarkoodo daarnaa in ay ka qayb galaan Munaasibada Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Fiqi Shini iyo u kuur galida Nolosha Dadwaynaha ku dhaqan guud ahaan Gobolka Sool, Mashaariicda dhamaatay oo xadhiga lagu jaro laguna wareejo Masuuliyiinta Heer Dagmo iyo heer Gobol ,Dardar galinta, Masuuliyiinta Dawlada ee ku sugan Gobolka Sool , Waftigan oo ka koobnaa  Wasiirka Wasaarada Biyaha Baashe,Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cismaan ,Wasiirka Wasaarada Dib udajinta Cali  Siciid , Wasiirka Nabadaynta iyo Horomarinta Gobolada Bari C/rashiid iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi  ayaa guulo la taaban karo ka soo hooyay dhamaan ujeedooyinkii uu Safarkoodu daarnaa .

 

Ugu horayna waxuu Waftigu  Deegaanka Adhi Cadeeye kaga qayb galay Caleemo saarka Suldaanka Beesha Fiqi Shini iyadoo Munaasibadii Caleemo saarka uu ka hadlay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi  oo Weedho Mug iyo Miisaan leh oo soo jiitay dhamaan Martidii ka soo qayb gashay ka jeediyay  Xafladii Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Fiqi Shini  .

 

Caleemo Saarka Suldaanka ka dib waxay Waftigii Wasiirada iyo Xilldhibaanadu gudo galeen  ujeedooyinkii Socdaalkoodo daarnaa iyagoo soo maray Deegaanka balaadhan ee ka kooban yahay Gobolka Sool iyadoo Waftiga Wasiirada ka koobnaa ay dhamaan deegaanadii ay soo mareen kala kulmeen soo dhawayn balaadhan iyadoo Bulshada Reer Sool ku soo dhawaysay Wasiirada  Qalbi furan oo Niyad wanaag iyo Wadaniyadi  ku dheehantahay .

 

Sidoo kale Waftiga Wasiirada oo ay wahiliyaan Xilldhibaano Golaha Wakiilada  waxay  xadhiga ka jareen Mashaariic  tiro badan oo Xukuumada Madaxwayne  Siiraanyo ka fulisay  Dagmooyinka Xudun iyo Taleex ee Gobolka Sool  iyadoo dhamaan Mashaariicdaa lagu wareejay Masuuliyiinta ku shaqda leh ee ka Hawl gala   Gobolka Sool,

 

Sidoo kale  Waftiga Shanta Wasiir ka koobnaa ayaa si qoto dheer  ugu kuur galay tabashooyinka isla markaana  si  mugleh uga dhagaystay Masuuliyiinta , Madaxdhaqmeedka ,Waxgaradka ,Haweenka ,Aqoonyahanka ku dhaqan  Gobolka Sool  iyagoo Waftiga Wasiiradu  ka garaabay tabashooyinkaa  jira isla markaana balan qaaday in sida ugu dhakhsaha badan uga soo jawaabi doonaan .

 

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi  oo ka dareen celiyay  tabashadaa ayaa u sheegay  Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Sool in ayna suuro gal ahayn in Gobolada S/land qaybi badhaahe ku noolaato qaybina  ayna ku noolaan mar uu ka hadlay arintaa Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada  Maxamuud Xaashi  Cabdi waxuu yidhi Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Sool  Dad ahaan iyo Dhul ahaanba waa S/land  waxaan wadaagnaa Wada dhalasho soo jireen ah Xaqna waxaad u leedihiin in aad qaytiina heshaan  Horomarinta Adeegyada Danta Guud   balse Nolosho waa Nabad waxaanan idinku guubaabinayaa in aad Nabada la ilaashado oo dhinac laga wada joogsado wax kasta oo Nabada waxyeelaya .

 

Sidoo kale Waftiga Wasiirada iyo Xilldhibaanadu waxay Bulshada ku dhaqan Gobolka Sool ku guubaabiyeen in ay  isdiiwaan galiyaan oo ay gutaan xaqa ay u leeyihiin in ay Codeeyaan arintaa mar uu ka hadlay Xildhibaan Saleemaan Cali Koore  Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Soolku guubaabiyay  in ay Isdiiwaan galiyaan oo qaataan Kaadhka Codaynta waxaanu yidhi  hadii aad isdiiwaan galisaan Weedhayadu waxay noqon doontaa mid miisaan leh oo wax idin tarta waxna inoo soo goysa .

 

Isku soo wada duuboo waxay Indheer garadka Arimaha Siyaasada u kuur gala  Mucaaridka iyo Muxaafidka ahi  ka marag kacayaan in Wasiir Maxamuud Xaashi  isbadalo  balaadhan iyo dardar galin xoogan ku soo kordhiyay Wasaarada Madaxtooyada oo Laf dhabar u ah Hawlaha Baaxada leh ee ay qaranka u hayaan Wasaaradaha iyo Laamaha Dawladu .

 

 

Falanqaynta Qalin Maalka ABwaan  Sacad X Maxamuud Gadhle

Sacadmx@hotmail.com     

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here