Qaramada Midoobey oo ka hadashay dil sarkaal ka tirsanaa loogu geystay Gaalkacyo

0
855

NAIROBI — War ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa si kulul loogu cambaareeyay dilkii dhawaan magaalada Gaalkacyo loogu geystay mid kamid ah shaqaalaha qaran ee Qaramada Midoobay uga howl gala Soomaaliya

‘Raisedon Zenenga oo ah madaxa xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay  ee caawinta Soomaaliya, ahna ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee  xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa uu sida ugu  adag u cambaareynayaa dilka loo geystay Maxamed Cabdi Khayre, xilli uu  shalay maqribkii kasii baxayay masaajid ku yaalla magaalada Gaalkacyo”,  ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka oo soo baxay maanta oo ah 1-da bisha june.

Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda dilka Khayre oo isla markiiba isbitaalka loola cararay, balse goor dambe u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

“Waxaan ka baroor diiqeynaa geerida Mr Khayre, oo si howlkarnimo ah uga shaqeynayay qeybta amniga iyo badbaadada ee xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya”, ayuu yidhi Mr. Zenenga, oo ku saxiixnaa war saxaafadeedka.

“Waxaan ku boorrineynaa  laamaha amaanka inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii loo soo qaban  lahaa raggii hubeysnaa ee mas’uulka ka ahaa dilkii loo geystay  shaqaalaheenna dhiirranaanta lahaa ee naftiisa halista u galiyay  badbaadinta shaqaalaha Qaramada Midoobay ee saldhiggoodu yahay magaalada  Gaalkacyo. Guud ahaan howl-wadeennada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya  waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska iyo asxaabta Mr Khayre”.

Maxamed Cabdi Khayre oo ku magac dheeraa Fiimto ayaa ahaa wakiilka dhinaca amniga ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Galmudug.

Wali ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ee Galmudug kasoo saareen dilka ninkaas, balse ciidanka amniga ayaa lagu soo warramay inay wadaan howlgallo ay ku raadinayaan dadkii falka geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here