Qabiilnimo Loo Sacaba Tumaa Xagee Lagu Gaadhi Karaa?

0
1648
Wariye Xamse Jirde

Qabiil waa magac, mana xumaan karo haddaan lagu xumaan falayn. Waa magac, sida qurac, maroodi, buur, iwm. Qabiilnimana waa ficilid.

Sida Qabiil weyn, qabiil tiro yar, qabiil xun, qabiil xoog badan, qabiil laandheere ah, qabiil laan-gaab ah, qabiil wanaagsan, qabiil takooran, iwm.

Marka qabiilka Qabiilnimo loo rogay ayaa wax walba naga xumaadaan oo ficilkii qabiilnimo ayaa hadda noqday sun iyo waxyayaabo kala geyaya bahweyntii isku duubnaan jirtey oo waddagi jirtay walaaltinimo isku soo hirasho.

Marka is-dhaleecaynta Qabyaaladda laga gudbo, qabiil waa isir iyo abuulan Soomaalidu ku abtirsato taasoo ay ula siman tahay bulsho-weynta dunida ku nool oo sidaas asuulankoodi hore u raad-raaca. Ceebi kuma jiri karto in qabiilka loo arko tilmaan beeleed oo keliya ee aan laga laalaadin kolmo ceebeed. Marka arritan dhabnimo loogu daadago, nin xun qabiil waa ka dhashaa, hase yeeshee Qabiil xun bulsho kama dhasho.

Qabiil iyo qabyaalad?”. Qabiilka waa in aad ku abtirsataa awoowayaashaada taasina, way banaantahay oo xitaa diinta Islaamka ina fartay, laakiin qabyaalad waa in qofka qabiilkiisa uu ku tageeraa dulmiga kana hormariyo dadka kale iygoon xaq u lahayn.

Qabyaaladu waa cudur mesha ay soo gashana way burburisaa. Bulsho kasto ka fogaata qabyaalada way hormartaa. Qabyaalada waxay leedahay dhibaatooyin badan Sababtoo ah qabyaalad waxay noo gaysatay burbur aad iyo aad u fara badan.

Akhristoo dhibaatada ay leedahay qabyaaladu waxaa kaaga filan tusaale in maanta meesha aan taaganahay waxyaabihii ina keenay ay ka mid tahay qabyaalada, walina aynaan ka toobadkeenin oo an ku taaganahay qabyaalad. Qabyaalada meeshay soo gasho waa baabiisaa, taasina waxaad ka arki kartaa qaaradaha isticmaala siday ka dhigtay.  Qabyaalada inta badan waxaa isticmaala qayb ka mid ah Afrika iyo Asiya, kuwa isticmaalaa waxay ku jiraan dhibaatooyin fara badan. Qabyaalad ma ogola aqoonyahanka ama indheer garadka, waxay garab istaagtaa jahliga iyo xumaanta mana ogola in ay bulshadu hormarto.

Dhibaatooyinka ay leedahay qabyaaladu waxaa ka mid ah.

  1. Waa Qaran Dumis: waxaan ula jeedaa dal dhisan hadii uu bilaabo in uu isticmaalo qabyaalad waxaa meesha ka baxa cadaalada iyo nidaamka kala dambeentii jirtay, mar hadii ay taasi dhacdo qarankaas wuu burburaa.

Soomalida waxaa ku yar aqoonta waana sababta ay u isticmalaan qabyaalada oo ilaa iyo hada ay u garan laayihiin dhibaatada ay leeday qabyaaladu, kooda bartay aqoonta xitaa laguma tilmaami karo aqoonyahan sababtoo ah uma isticmaalin wadada loogu tala galay aqoonta.  Dhibatada qabyaalada way socon ilaa aqoonta wadada saxan loo isticmaalo.

Qabyaaladu waxaa ay leedahay dhibaatooyin aad iyo aad u fara badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Xamse Jirde Axmed, Suxufi Madax-banaan

Hargeysa, Somaliland

Jirde2006@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here