Maxamuud Xaashi oo Shaaciyay Inay Aqbaleen Go’aamadii Odayaasha Dhaqanka Bariga Burco

0
1368

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa waxaa uu shaaciyay in ka urur ahaan ay aqbaleen Go’aammadii ay soo saareen Golaha Dhaqanka ee Beelaha Bariga Burco oo isu-xilqaamay Dhexdhexaadinta khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Maxamuud Xaashi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu sheegay in ka urur ahaan ay si buuxda u taageerayaan islamarkaana ay tixgelinayaan talooyinkii ay soo jeediyeen odayaashaasi.

Guddoomiye Xaashi, ayaa sidoo kale waxaa uu eedaymo kulul u soo jeediyay xukuumadda tala haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaana uu ku eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Biixi in ay iyadu qaawisay Qaranka, “Xukumada KULMIYE ayaa Qaranka qaawisay“.

Ergada, ayaa soo jeediyey in la mideeyo doorashooyinka, isla markaana doorashada Ururrada Siyaasadda oo u muddaysnayd November 2023-ka iyo ta madaxtooyada oo u muddaysnayd November 2024, hal Mar la wada qabto 13 November 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here