Qaban-qaabada Shir-weyne Beesha Isaxaaq Carre Ku Qabsanayso Degmada Cadaadley Oo Aad Looga Dareemayo Hargeysa+ SAWIRRO

0
975

Hargeysa,(HargeisaPress) —Qaban-qaabada Shir-weyne Beesha  Isaxaaq Carre ku qabsanayso degmada Cadaadley ayaa aad looga dareemayaa Caasimada Hargeysa.

Shirweynahan oo qaban-qaabadiisa laga abaabulaayey Caasimada Hargeysa isla markaasna loo mudeeyey in uu qabsoomo 5 March 2019 oo hada maalmo koobani ka hadhsan yihiin, ayaa lagu wadaa inuu si rasmiya uga qabsoomo Degmada Cadaadley ee Bariga magaalada Hargeysa.

Shirkan Aayo Ka-tashiga ah, oo ay qaban-qaabinayaan Haldoorka, Aqoonyahanka,

Dhalinyarada,Madax-dhaqameedka iyo dhamaan qaybaha bulshada ee Beesha Isaxaaq Carre, ayaa bulsho-weynta reer Somaliland aad u dareemaysaa qaban-qaabadiisa

Xoghayaha Gudida Qaban-qaabada Shirka Md. Khadar Chile Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay halka uu marayso qaban-qaabada shirku iyo ajandahiisaba ayaa waxa uu tilmaamay in shirkoodan ay kaga tashanayaan, Aayahooda gaarka ah iyo Horumarinta Deegaankooda iyo danaha beeshooda, isagoo isla markaasina cadeeyey in shirkoodani ka Madax-banaan yahay Arimaha Siyaasada iyo wixii la mid ah-ba

Xoghayaha Gudida Qaban-qaabada Shirka Md. Khadar Ciise Cabdi oo gaba-gabadii ka hadlay halka halka ay u marayso qaban-qaabadii iyo abaabulkii shirku ayaa waxa uu yidhi” qaban-qaabadii shirku meel fiican ayey noo maraysaa ,dhamaan hawlihii qaban-qaabinta iyo diyaarinta shirku way noo dhamaystiran tahay, waqtigii shirku furmaayeyna waxa nooga hadhsan waxyar oo 5 March 2019 ayuu Degmada Cadaadley ka furmayaa shirku sida qorshuhu yahay ,waana la dhamaystiray dhamaan qaban-qaabadii iyo diyaarintii shirkaba”

Dhinaca kale Shirkan oo dareen badan galiyey Xukuumada iyo Xisbiyada Siyaasadaba ayaa maalmihii ugu danbeeyey aad looga hadal hayey goobaha bulshadu ku kulanto ee Caasimada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here