Prof. Samatar oo Farta ku Fiiqay Qabyada ku Jirta Qorshaha Aqoonsi-raadinta Somaliland

0
741

Washintong (Hargeisa Press)Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo wax ka dhiga jaamacado ku yaal dalka Maraykanka, ayaa farta ku fiiqay qabyada ku jirta qorshaha aqoonsi-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland dunida kaga doonayso aqoonsi buuxa ee ay wadday muddo 23 sanno ah.

Prof. Samatar waxa uu sheegay in qadiyadda aqoonsi-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland tahay mid culus oo dadaal badan u baahan, balse qorshaha istaraatijiyadeed ee lagaga midho-dhalin karo arrintaasi aanay weli Somaliland si buuxda uga soo bixin oo ay ku jirto qabyo keeni karta in aan si fudud lagu gaadhin hadafka aqoonsi dunida ay ka hesho.

“Somaliland qadiyaddeedu maaha mid ciyaar-ciyaar ah, waa mid aad u culus, haddii laga dhabaynayo inay adduunyadu garato Somaliland inay tahay waddan gooni u baxay oo taariikh cusub samaysanaya waxyaabo badan ayaa ku waajib ah oo hawlo waawayn ayaa horyaala, waxa ka mid ah hawlaha horyaal in Somaliland ay si cilmiyeysan u dhisto dooddeedu waxay tahay, inay dooddaasi gacanta ugu jirto dad qaadi kara oo garanaya adduunyada halka la gaynayo iyo sida loo gaynayo iyo weliba xoolihii la galinayey, waa olole wayn oo culus ee ciyaar maaha in lagu aqoonsado oo aad dawladdu cusub noqoto oo ka qaybgasha dawladaha adduunyada ka taagan.

Markaa istaraatijiyaddii lagu galayey ee hawshaa lagu keenayey ayaad weli moodaa Somaliland in aanay si buuxda uga soo bixin, inta aan taa la helinna u malayn maayo inay u suurtogeli karayso in adduunyadu aqoonsato,” ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka jawaabayey su’aal weriye ka tirsan laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-du ka waydiiyey in qaddiyadda Somaliland wax xidhiidh ah la yeelan karto aqoonsi buuxa oo dawladda Sweden siisay Falastiin.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here