UCID oo Hawlgallo Taageero Raadin ah ka bilaabay Awdal & Hanashada Wejiyo Cusub oo Hankooda kula Midoobay

0
1066

BOORAMA, (HargeisaPress) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa hawlgal taageero raadin ah ka bilaabay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaana hawlgalkaas uu ku hantay taageerada wejiyo cusub oo ku biiray ama ka mid noqday Xisbigaas oo Axaddii Maanta u sameeyey Munaasibad uu ku qaabbilay ama ku soo dhaweeyey taageerayaashaas hankooda iyo himiladooda ula wareegay UCID. Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka UCID u taagan inay ugu tartamaan doorashada Madaxtinnimada ee badhtamaha sannadka soo socda la filayo Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Masuuliyiinta kale ee heer gobol iyo degmo ee UCID, ayaa ka qaybgalay Munaasibadda qaabbilaadda ah ee loo sameeyey Wejiyada cusub ee Xisbigooda ku soo biiray, taasoo lagu qabtay magaalada Boorama.

Khudbado iyo hadallo kala duwan ayay Masuuliyiinta UCID ee kala derajada ah iyo dadka ku biiray Xisbigooda ka jeediyeen Madashaas, waxaana Jamaal oo ka mid ahaa Masuuliyintaa Munaasibaddaas ka hadlay uu Xukuumadda ugu baaqay inay dalka ka deyso Xaraash Suuq Madoow uu ku sheegay.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Musharraxa Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka, ayaa iyaguna halkaas ka jeediyey hadallo ay ku soo dhawaynayaan taageerayaasha ku soo biiray, isla markaana ku dhalliilayaan hab-dhaqanka Siyaasadeed ee Xukuumadda talada haya ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

Haddaba, Hadallada Masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga UCID ka jeediyeen Madasha ay Taageerayaasha cusub ku qaabbileen, weedhaha taageerayaasha iyo Madaxda Dhaqankuba ka jiidiyeen Xafladdaas

Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa haatan u muuqda inuu hawlgallo Taageero raadin ah ka bilaabay Galbeedka Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, maaddaama oo muddo bilo ah ka dib ay dalka ka bilaabmi doonaan sida lagu wado ololaha doorashada Madaxtinnimada iyo ta Baarlamaanka.

Maaddaama oo ay Mudanayaasha Golaha Wakiilladu Aqlabiyad ku ansixiyeen toddobaadkii hore in la mideeyo oo hal mar ama isku mar qudha dalka laga wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, kuwaasoo la filayo in badhtamaha sannadka 2015-ka ay qabsoomi doonaan iyadoo wakhtiga xil-haynta Wakiillada iyo Madaxtooyaduba dhammaanayaan isla xilligaas.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here