Xukuumadda Somaliland oo Tafaasiil ka Bixisay Qorshayaal Lagu Casriyeynayo Dekedda Berbera

0
958

5(155).jpgHargeysa, (HargeisaPress) — Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tafaasiil ka bixisay qorshayaal lagu ballaadhinayo, laguna casriyeynayo dekedda magaalada Berbera si ay u noqoto mid soo jiidata dalalka bariga Afrika ee aan badda lahayn iyo dalxiisayaasha kale ee adduunka.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo waraysi siiyey wargeyska The Reporter ee ka soo baxa dalka Itoobiya, ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshe lagu ballaadhinayo Dekedda Berbera oo hadda dhererkeedu yahay 620 mitir.

“Run ahaantii waxa la doonayaa in Dekedda Berbera la ballaadhiyo toban-laab in ka badan sida ay hadda tahay,” ayuu yidhi Wasiir Xaashi oo safar uu ku tagay Itoobiya ka soo laabtay Jimcihii toddobaadkan.

Waraysiga Wasiirka Duulista oo luqadda Ingiriisada lagu baahiyey, isla markaana Jamhuuriya u turjumay Afsoomaali, waxa uu ku sheegay in wadahadal u socdo Somaliland iyo shirkado kala duwan oo doonaya inay maalgashi ku sameeyaan Dekedda Berbera, xilliganna xukuumaddiisu ku hawlan tahay xulashada shirkadda ugu habboon ee mashruucaas fulin karta.

Waxa kaloo uu carrabka ku dhuftay inay hadda tartanka maalgashiga Dekedda Berbera safka hore kaga jiraan labada shirkadood ee Bollore Afrikan Logistics oo dalka Faransiiska laga leeyahay, gacantana ku hayso dekedo badan oo Afrika ku yaal iyo DP World oo waddanka Imaaraadka Carabta ka diiwaangashan, waqtiganna ka shaqaysa casriyeynta dekedda Jabuuti.

“Waxa aannu doonaynaa in aannu samaynno fursado lagu horumarinayo Dekedda Berbera si aannu suuq ugu noqonno dalka Itoobiya oo ganacsi ahaan iyo dalxiis ahaanba ku xidhmi karta dekedda.”

Waxa uu intaas ku daray, “Isma barbar dhigi karno xeebaha Dekedda Mombassa (Kenya) oo kale, balse waxa aannu iibinaynnaa nabadgelyada, xasilloonida, xeeb nafiid ah oo qurux badan iyo hawo fiican.”

Sidoo kale, Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu Wargeyska The Reporter u sheegay in dawladda Somaliland kor u qaadday tayada, bilicda iyo ammaanka madaarrada Hargeysa iyo Berbera, kuwaasoo qayb ka noqon doona horumarka dalka, isagoo xusay in la daboolay, isla markaana la xalliyey arrimo dhinaca garoomada diyaaradaha ah oo Itoobiya cabasho ka muujisay, dibna loo bilaabayo duullimaadyadii shirkadda Ethiopian Airlines ee Madaarka Berbera.

“Duullimaadyada Madaarka Berbera waxa aannu rajaynaynaa inay u adeegaan dadka ku nool gobollada bari ee Somaliland, kuwaasoo sidoo kalena sare u qaadi doona dalxiisayaasha Itoobiya ee doonaya inay tagaan Dekedda Berbera. Adeegyo fiican oo casri ah ayaannu ku kordhinnay garoomada diyaaraha ee Hargeysa iyo Berbera, si xal looga gaadho cabashada dhinaca amniga la xidhiidhay. Waxaannu keenay mishiino casri ah oo wax lagu baadho, gaadiid dam-damis ah iyo adeegyada dhinaca socdaalka oo aannu kor u qaadnay,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.

Ugu dambayn, waxa uu tibaaxay in labada madaar ee Hargeysa iyo Berbera ay hadda buuxiyeen dhammaan shuruudaha looga baahan yahay garoomada caalamiga ah, isla markaana aqbaleen Itoobiya iyo shirkadaha kale ee duullimaadyadada caalamka.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here