Orodyahan Reer Somaliland Ah oo Ku Guulaystay Billada Qalinka Ee Olombikada Tokyo

0
1981

Tokyo (Hargeisa Press) – Maxamed Ahmed oo ah orodyahan ka soo jeeda Somaliland islamarkaana u ordaya dalka Canada, ayaa ku guulaystay billad qalin ah, isagoo dadaal dheer u galay orodka 5,000 ee mitir ee ciyaaraha Olombikada Tokyo.

Maxamed Axmed wuxuu ku orday lugtii ugu dambaysay ee orodka wuxuuna kula tartamay Joshua Cheptegei, oo ah ninka haysta rikoodhka adduunka.

Cheptegei wuxuu ku dhammeeyay 12 daqiiqo 58.15 ilbidhiqsi waxaana ku xigay Maxamed Axmed 12 daqiiqo 58.61 ilbidhiqsi.

Orodyahankan ka soo jeeda dalka Somaliland ee u ordaya dalka Canada, ayaa waxaa lagu naanaysaa MohSpeed.

Waxaanu orodyahan Maxamed Axmed uu tartanka Olombikada ee ka socda caasimadda dalka Japan ee Tokyo ka galay kaalinta labaad ee Orodka 5,000 ee Mitir ah.

Biladan uu ku guulaystay Orodyahan Maxamed Axmed, ayaa noqonaysa biladiisii ugu horeysay ee ay ciyaartooyda reer Canada ku guulaystaan.

Waxaana orodyahanada ka qayb galay tartankaasi Olimbikada ku jiray Orodyahano Soomaali ah oo u ordaya wadamada addunka.

Maxamed Axmed, ayaa ku guuleystay billadda maarta ah ee 5000 m ee tartankii orodka adduunka ee 2019 ee Doha, oo uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Canadian ah ee billad ku muteysta dhacdadaas.

Waxaana uu sidoo kale laba billadood oo qalin ah ku guulaystay Ciyaaraha Barwaaqo-sooranka ee 5000 iyo 10,000 m.

Ciyaaraha Olimbikada Aduunka ee Tokyo oo furmay 23-kii July, ayaa waxaa ka qayb galay in ka badan 11 kun oo ciyaartooy oo ka socda 206 waddan oo caalamka ah, waxaana ku jiray orodyahano Soomaali ah oo u ordaya wadamada adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here