Nkandla (Hargeisa Press) – Madaxweynihii hore ee South Africa Jacob Zuma, ayaa isku dhiibay booliska, si ay ugu billaabto 15 bilood oo xabsi ah, taas oo uu ku muteystay amardiido uu ku sameeyay maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas.
Afhayeenka booliksa Lirandzu Themba, ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Zuma uu ku jiro gacanta booliska.
Maxkamadda, ayaa Zuma ku xukuntay 15 bilood oo xabsi ah toddobaadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu diiday amarkii horraantii bishii February, kaas oo ahaa inuu horyimaado maxkamadda si loo tuso caddeymo la xidhiidha baadhitaanka musuqmaasuqa sagaalkii sano ee uu xukunka hayay. Baadhitaanka waxaa hoggaaminaya ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud Raymond Zondo.
Waaxda Ciidamada Asluubta, ayaa iyana bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Zuma la geeyay Xarunta Asluubta ee Estcourt oo qiyaastii 175 kilo mitir u jirta tuulada uu deggan yahay ee Nkandla ee bariga South Afrika.
Telefishanka dalkaas, ayaa si toos ah u baahiyay muuqaalo muujinaya gadhigii uu saarnaa oo gelaya xarunta.
Booliska, ayaa la amray inay soo xidhaan ugu dambeyn Arbacada haddii uu soo xaadiri waayo saldhig boolis kan ugu dhow, laakiin wuxuu ugu dambeyn Zuma oo 79-jir ah go’aansaday inuu is dhiibo.
Boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa oo qaarkood ay ku hubeysnaayeen qoryo, waranno iyo gaashaan ayaa isugu soo baxay meel u dhow gurigiisa, si ay isugu dayaan inay ka hortagaan xadhigiisa.
Zuma, ayaa waxbakama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo heysto ee jiritaanka musuqmaasuq baahsan intii uu ahaa madaxweynaha, wuxuuna Axaddii soo saaray qoraal diidmo ah, isagoo eedeyn kulul u jeediyay garsoorayaasha, islamarkaana bilaabay is hortaag dhanka sharciga ah oo la xidhiidha xadhigiisa.
Reuters