Ololaha Nadiifinta Caasimadda Oo Laga Fuliyay Degmooyinka Hargaysa

0
494

Hargaysa (HP): Waxaa saaka subaxnimadii hore laga bilaabay degmooyinka iyo xaafadaha magaaladda Hargaysa ololaha nadiifinta caasimadda.
Ololahani oo ah mid la sameeyo bishiiba hal mar waxaa fulisa dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa oo kaashanaysa bulshadda degan degmooyinka iyo caasimadda.


Waxaana ololahani bilaabay maayarka Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, kaasoo maalin kasta oo Khamiis ah oo bil u danbaysa laga fuliyo gudaha magaaladda.
Hawshan ololaha nadiifinta caasimadda ee maanta waxaa bulshadda kala qayb qaadanayay maamulka dawladda hoose ee Hargaysa, oo uu hor kacayay maayar C/kariin Axmed Mooge.
DAAWO: Muuqaalada Guud ee Ololaha Nadiifinta Caasimadda Hargaysa ee maanta:

Degmadda 26-ka June oo ka mida degmooyinka Hargaysa waxaa ololahaasi saaka dadweynaha degmadaasi kala qayb galay guddoomiyaha degmadaasi iyo sidoo kale Ciidamada qaranka Somaliland.

DAAWO: Ololihii saaka ee Degmada 26June:



Geesta kale degmadda Ibraahim Koodbuur oo ka mida degmooyinka caasimadda Hargaysa ayaa iyadna waxaa maanta si weyn looga fuliyay ololaha nadiifinta caasimadda.
Waxaana ololahaasi nadaafadeed si wada jir ah uga qayb qaatay maamulka iyo dadweynaha degmadaasi ku nool.

DAAWO: Degmada Ibraahim Koodbuur iyo Ololihii Saaka:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here