“Doorasho kastaba wakhtigeedda ayaa lagu qabanayaa…” wasiir Koore

0
530

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay jiri doonin doorasho dib uga dhacaysa wakhtiga loo qorsheeyay, xili uu taagan yahay khilaaf cirka isku shareeray oo u dhexeeya xisbiyadda mucaaradka iyo xukuumadda.
Waxaanay xukuumadu balan qaaday in doorashada madaxtooyadu wakhtigeeda ku dhacayso, si ka duwan eedaynta mucaaradka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore.
Wasiir Koore, waxa uu ku dooday in ay ka xukuumad ahaan doorashadda madaxtooyadda wakhtigeedda ku qabanayaan, balse ay sharci tahay furista urrurada siyaasadda oo ay xisbiyadda mucaaradku sida Fiinta uga qayliyeen.
“Madaxweynahaha Somaliland iyo xukuumadiisu waxan halkan ka caddaynayaa in ay diyaar u yihiin in ay doorashooyinkii qabtaan, waxa la qabanayaa doorashadii urrurada siyaasada oo madaxtooyada ayaa la qabanayaa.
Xukuumadda aan ka tirsanahay, diyaar bay u tahay in ay doorashooyinka qaranka mid walba wakhtigeeda qabato” ayuu yidhi wasiir Saleebaan Cali Koore, oo maanta u waramay laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda BBC.

Wasiirka oo ka jawaabay su’aal laga waydiiyay in xukuumaddu ay faragalisay guddida doorashooyinka, ayaa sheegay in guddida uu kala jab ku yimid, sida darteedna uu madaxweynuhu sameeyay wixii uu sharcigu siinayay.
Waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland ma faragalin koomiishanka ee iyaga ayay ka dhex dilaacday in ay laba kooxood noqdaan, oo wada shaqayn waayay oo madaxweynaha waraaq usoo qoray, sidaa darteed sharcigu wuxuu madaxweynaha siinayaa in uu u magacaabo koomiishan madaxbannaan”.
Geesta kale wasiir Koore, ayaa sheegay in qabsoomida doorashooyinka loo raacayo sharciga, oo doorasho kasta wakhtigeeda lagu qaban doono.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here