Nin Soomaali Ah oo Lagu Dilay Magaalada London

0
1495

London (Hargeisa Press) – Waxaa xaafadda Leyton ee magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu dilay Nin Soomaali ah.

Ninkan Soomaaliga ah, ayaa  gelinkii dambe ee shalay lagu dilay xaafadda Leyton oo ay Soomaali badan ay dagan tahay.

Ninkan oo lagu weeraray midi, ayaa geeriyooday kadib markii kooxaha gurmadku ay la gaadheen cisbitaal aan ka fogayn goobta uu dilku ka dhacay.

Booliska London, ayaan wali shaaca ka qaadin magaca qofka la dilay ee Soomaaliga ah iyadoo dilka dhacayna uu qeyb ka yahay weerarada midiyaha ee muddooyinkan ku soo badanayay magaalada London.

Todobaadkan oo kaliya waxaa dhacay 7 dil oo loo adeegsaday midi, sida ay booliska London sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here