Wasiir Koore oo Ka Digay In Dalka Lagu Soo Hago Cadowga

0
1641
Wasiir Saleebaan Cali Koore

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa ku baaqay in dalka loo tudho oo aan lagu soo hagin cadawga.

Wasiir Koore, ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dalka laga ilaaliyo wax kasta oo qaranimada ka hor imanaya, waxaanu ku taliyey in sharciga iyo dastuurka la ilaaliyo.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, wuxuu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya “Waxaa laga yaabaa inuu qofku isagoo aan xogogaal ahayn inuu taageero cadawga Somaliland, ummad baynu nahay sharci leh oo Dastuur leh, oo xeerar ku shaqayso leh, waxaynu u baahan nahay inaynu Xeerarkaas dabaqno, oo aynu fahano, cid aan danbaabi karin, ma jirto, haddii aynu nidhaahno qof yaan la xidhin oo qof yaan la taaban, oo qof yaan lala hadlin, oo qofku wuxuu doono ha sameeyo, oo midi laamida ha dhisto, oo midi cisbtaalka ha qaato, oo midi jagada dawladda ha qaato, macnaheedu sidaas qaranimo lagu noqon maayo, oo midi cadaw ha soo hogaamiyo, oo midi cadaw ha taageero, haddii aynu noqono umad sidaas ah noqon mayno Somalilandta aynu doonayno, maaha mid aynu sii wadi karno, dalka in loo tudho ayaa loo baahan yahay waa dal aan ictiraaf haysan, waa dal ay ku xeeran yihiin mawjado dhibaato ah, oo ka socda geeska afrika, oo aan dhib yarayn”.

Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in aad loo hubiyo wararka iyo warbixinada la baahiyo, waxaanu ku taliyey in la iska ilaaliyo wararka lidka ku ah qaranimada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here