Nin Isku Gubay Badhtamaha Dooxa Weyn Ee Hargeysa

0
1923

Hargeysa (Hargeisa Press) – Ciidanka Dab-demiska Hargeysa, ayaa maanta galinkii dambe soo samatabixiyay nin isku gubay badhtamaha Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa.

Ninkan is gubay tahay da’diisu ahayd 37 jir oo lagu magacaabaa Cawaale Cali Hayaan, ayaa waxaa la sheegay inuu maskaxda ka xanuusanayay.

Ciidanka oo ay horkacayan waaxda caafimaadku, ayaa goobtaas degdeg u gaadhay waxaanay la kulmeen ninkaas oo qaybo ka mida Jidhkiisa ah Dabku gaadhay.

Waxaana islamarkiiba ciidamadu gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa halkaas oo lagu dabiibayo.

Ehelada ninkan, ayaa ciidanka u sheegay in dhawaan laga soo daayay Cilaaj, waxaana dhaawacyo ka soo gaadheen Garbaha,laabta, bogga iyo caloosha.

Ciidanka Dab-demiska, ayaa waxay bulshada ku wacyigeliyeen in dadka maskaxda ka jirran aan kaligood la sii dayn oo had iyo jeerna laga warhayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here