Nicolas Berlanga: Midowga Yurub Waxaa Ka Go’an Inay Taageerto Dimuqraadiyadda Somaliland

0
1456

Hargeisa (Hargeisa Press) – Midowga Yurub, ayaa ka hadlay 13 Baabuur oo ay ugu deeqeen dhowaan Hay’addaha Amniga iyo kuwa Garsoorka ee dalka Somaliland.

Warmurtiyeed ka soo baxay Midowga Yurub, ayaa waxaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu Gaadiidkaas uu Somaliland u soo mariyay hay’adda UNDP.

Waxaanay sidoo kale ay caddeeyeen in lix baabuur loogu talo galay in Ciidanka Boolisku ka hawlgalaan lix  gobol, halka  baabuurta soo hadhayna la siiyay Hay’addaha Garsoorka.

Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Nicolas Berlanga, ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay inay taageeraan Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana 13kaas Gaadhi ay u asteeyeen in lagaga shaqeeyo Ammaanka doorashada iyo la socodka iyo qabanqaabada Doorashooyinka.

Wasiir ku–xigeenka Arrimaha Gudaha Naasir Caydiid Maxamed, ayaa u mahadceliyay Midowga Yurub waxaanu sheegay inay Gaadiidkaas lagaga shaqeyn doono sugida Nabadgelyada Doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here