Warbaahinta Dunidu Maxay Ka Sheegtay Xuska 30 Guurada Madax-banaanida Somaliland?

0
2358

Hargeisa (Hargeisa Press) – Salaasadii Toddobaadkan oo ku beegnayd 18-ka bisha May, 2021, ayaa guud ahaan Somaliland looga dabbaal-degay Xuska 30 Guurada ka soo wareegtay markii Somaliland ay Madax-banaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya, taasi oo ahayd 1991-kii.

Xuska 30 Guurada oo Dalalka Adduunku isha ku hayeen isla-markaana qaarkood wufuud u soo dirteen si ay uga qayb-galaan Xafladaha loogu dabbaal-degayo, ayaa waxa War-bixino dhaadheer ka qoray Warbaahinta dunida qaarkood, kuwaasi oo siyaalo kala duwan sawir uga bixiyey Qadiyadda Somaliland iyo Madax-banaanideeda 30 jirsatay.

Afrian Arguments oo ka mid ah Warbaahinta wax ka qortay xuska 30 Guurada Madax-banaanida Somaliland, ayaa ka warramay Marxaladihii Somaliland soo martay 30-kii sanadood ee u dambeeyay, sidii ay Lixdankii ula midowday Soomaaliya oo ay Madax-banaanideedii kala soo noqotay 1991-kii.

Afrian Arguments, ayaa War-bixin dheer oo uu qoray wuxuu ciwaan uga dhigay “Somaliland lama aqoonsan 30 Sano, laakiin way nooshashay, wayna wanaagsan tahay”, waxaanu tafaasiil ka bixiyey waxyaabihii ku riixay inay ka hoos baxdo Soomaaliya inteeda kale, isagoo Tusaale u soo qaatay dhibaatadii Shacabka Somaliland ka dhaxleen Ta cadiyadii Taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Warbaahinta PRI oo ka mid ah kuwa caalamiga ah ee wax ka qoray xuska 30 Guurada Madax-banaanida Somaliland, ayaa sheegay in inkasta oo aan Somaliland dunida inteeda u aqoonsanayn Dawlad jirta, haddana taasi aanay Shacabka Somaliland ka joojin inay u dabbaal-degaan 30 Guurada Madax-banaanida dalkooda Somaliland, sidaasi darteedna Suuqyada caasimadda Hargeysa ay buux-dhaafiyeen Dad qaarkood watay Gaadiid hoonka garaacaya isla-markaana ay ka dhex baxayaan heeso Waddanimo muujinaya.

PRI wuxuu sheegay in kumanaan dhallinyaro ah oo ka mid ah kuwa isticmaala Baraha Bulshadu ay Bogagga ay ku leeyihiin Baraha Bulshada ku camireen calanka Jamhuuriyadda Somaliland ee ka kooban saddexda Midab ee caddaan, cassaanka iyo Akhtarka.

“Da’yartu waxay dhasheen intii Somaliland jirtay, Somaliland oo keliya ayay garanayaan, markaa waxay Somaliland u tixgelinyaan inay tahay summaddooda” ayuu yidhi, Jaamac Muuse Jaamac oo ah Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka ee Hargeysa, kaasi oo ay soo xigatay PRI.

Ismaaciil Shirwac oo ka mid ah Xafiiska Somaliland ee Nairobi, ayaa isaguna u sheegay PRI in Somaliland waddo dedaalo kor loogu qaadayo xidhiidhka diblumaasiyadeed, Ganacsi iyo siyaasadeed ee ay la yeelanayso Dawladaha Adduunka, illaa haddana xidhiidho noocaas ay la samaysatay Dalalka Taiwan, Imaaraadka carabta, Kenya.

“Qof kasta oo reer Somaliland ahi wuxuu kuu sheegayaa, inaan Dadka Jamhuuriyadda Somaliland diyaar u ahayn ama u jeedin inay dib ula midoobaan..” ayuu Ismaaciil Shirwac u sheegay PRI oo uu u warramay.

Warbaahinta Menafn oo ka mid ah Warbaahinta laga leeyahay dalalka carabta, ayaa iyaduna Warbixin ka qortay 30 Guurada ka soo wareegtay xilligii ay Somaliland Madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya.

Menafn ayaa War-bixinteeda oo dheerayd waxay ku sheegtay in Somaliland oo aan la aqoonsan muddo 30 Sanadood, ay dunida u muujisay siday uma Sumcad wanaagsan tahay Soomaaliya oo muddadaa ku jirta Amni-darro iyo khilaafaad Dawladnimadii fashiliyey.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay muddadaa qabsatay illaa lix doorasho oo Qof iyo cod ah, kuwaasi oo lagu soo doortay Goleyaasha Baarlamaanka, Goleyaasha deegaannada iyo Madaxweyneyaal xilka Qaranka u kala dambeeyay, bishan lagu jiro ee May 31-keedana Shacabku u dareerayaan doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada oo hal mar la wada qabanayo.

The World oo ah Idaacadda Mareykanka ku taalla, ayaa warbixin ka qortay 30 guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland oo dalka si weyn looga xusay 18kii bishan May, waxaanay Idaacaddu si weyn uga warrantay guulaha ay Somaliland ka gaadhay xaga dowladnimada iyo dimuqraadiyadda.

Warbixinta The World ka diyaariyay Somaliland, ayaa ku wajahnayd sidii xamaasadaha lahayd ee reer Somaliland ugu dabaal-degeen muunaynta 30 guurada ka soo wareegtay Qaranimadooda.

Waxa kaloo warsiduhu tilmaamay in kumanaan dhallinyaro ah ay boggaga baraha bulshada ku baahiyeen taageerada ay u hayaan calankooda iyo qaddiyadda Qaranimada Somaliland.

The World wuxuu sheegay in Somaliland oo aan wali aqoonsi ka helin caalamku ay haddana ku guulaysatay dowladnimo, xasilooni iyo dimuqraadiyad.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY