Muxuu Ka Yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland Musuq-maasuq Iyo Xatooyo lagu Soo Eedeeyey?

0
1240
Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye”

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-Toosiye” ayaa beeniyey warar sheegaya in isaga iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaraddiisu ay lunsadeen kharashkii mashruuca loogu talo  galay TB-da.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglo-toosiye oo wargeyska Geeska Africa ugu horeyn wax ka waydiiyey wuxuu ka qabo eedahan loo soo jeediyey,sida uu u arko iyo inay jiraan musuq-maasuqaasi  ayaa waxa ku jawaabay

“Mashaariic aan lunsanay aniga iyo masuuliyiin kale oo wasaaradda ka tirsani ma jiraan,waa been cad oo aan sal iyo raad toona lahayn,mana haboona in bulshadda la khaldo oo loo gudbiyo warar been abuur cad ah oo wax loogu dhimayo qofka sharaftiisa,cirdigiisa iyo karaamadiisa,waxaana habboon in marwalba saxaafaddu ka fiirsato wararka ay baahinayaan oo aanay baahin warar aanay xaqiiqadooda hubin oo been abuur ah”.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed “xaglo-toosiye” mar uu ka hadlayey sida ay wasaaraddiisu uga qayb qaadatay ka hortaga xanuunada ka dhasha abaarta ayaa waxa uu yidhi

“Wasaaradda Caafimaadku dadaal xoogan ayay ka gashay sidii aanay u fidi lahayn cudurada Faafa ee ka dhashay abaaraha oo waanu xakamaynay,shuban Biyoodkan dilaacayna dadaal xoogan bay ka gashay,waxaana aan ku hawlanahay sidii aanu u xakamayn lahayn xaalad walba oo soo korodhana heegan baanu nahay dhamaan xarumaha kala duwan ee wasaaradda ku leedahay gobolada dalka”sidaas ayuu wasiir Xaglo-toosiye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here