Muwaadin reer Somaliland ah Oo Xabsiga Hargaysa ugu Xidhan Wadanka Danmerk Oo Xaaladiisa walaac laga muujiyey

0
901

Hargeysa,(HargeisaPress) —Cumar Xasan Sheikh Cumar Sheikh Muuse oo ah 32 jir muddo shan sano ugu xidhan xabsiga Magaaalada Hargeysa fal-dambiyeed aanay jirin Maxkamadda si rasmiya uga gar-naqday, balse sida la sheegay inay ku dooddayso Dawllada Denmark uu dalkeeda ka geystay intaanu iman Dalkiisa.

Eheladda Wiilkaas ayaa walaac ka muujiyey gabi ahaanba qaabka loola dhaqmay Muwaadinkan, kuna tilmaamay xad-gudub intiisa le’eg oo aannu muteysan, waji-gabax iyo ceeb-na ku ah Shuruucda iyo milgaha dawladdnimo ee dalka ka dhisan.

Qoyska muwaadinkan ayaa dalbanaya in wiilkooda xorriyadiisa loo soo celiyo mar haddii aanu jirin dambi uu galay oo ay dawladda Somaliland u haysato.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARBIXIN SHABAKADA MARSANEWS.COM KA DIYAARISAY

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here