Musharax Khadar Qoor-gaab oo Agab Ciyaareed Ugu Deeqay Koox Kubada Cagta Ah oo Ka Dhisan Hargeysa

0
809
Khadar Qoor-gaab
Khadar Qoor-gaab

Hargeisa (Hargeisa Press) — Musharax Khadar Maxamed Muxumed (Khadar Qoorgaab) oo u taagan doorashada golaha Deegaanka Hargeysa ayaa maanta agab kubadeed ugu deeqay kooxda Elman oo ka mid ah kooxahaa kubada Cagta ee heerka labaad oo ka dhisan degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Waxana ugu horayn madasha ka hadley qaar ka mid ah Ciyaartooyga kooxda Elman iyagoona musharax Khadar Qoorgaab uga mahad Celiyay agabka Ciyaareed ee uu ugu deeqay.

Sidoo kale, waxaa iyaganu goobta hadal ka jeediyay qaar ka mid ah Odayaasha Degmada Axmed Dhagax.

Musharax Khadar Qoorgaab oo isna gaba-gabadii madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay in sababta uu isku sharaxay ay ka mid tahay dhiiri gelinta Dhalinyarada, isagoona balanqaaday in uu ka qayb qaadanayo horumarka dhalinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here