Xukuumada Somaliland oo Xayiraadii Ka Qaaday Universal Tv

0
1161
Universal Tv
Universal Tv

Hargeisa (Hargeisa Press) — Xukuumada Somaliland ayaa maanta xayiraadii ka qaaday telefishinka Universal oo kamid ah telefishinada madaxa bannaan, kadib muddo dhowr bilood ah oo lagaga mamnuucay inuu ka shaqeeyo gudaha Somaliland.

Qoraal maanta kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa lagu sheegay in wasaaradda iyo telefishinku kala saxeexdeen heshiis cusub oo ilaalinaya dastuurka iyo xeerarka u degsan xuska maalmaha qaran ee Somaliland.

Bishii June dhamaadkeedkii sanadkii hore 2020, ayaa universal tv lagu soo rogay xayiraadda maanta laga qaaday kaddib markii TV-gu diiday baahinta khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi ee habeenkii 26-ka June.

Somaliland ayaa Universaltv ku eedeeyay in ay xurmeyn waayeen maalinta ay xornimada qaadatay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here