Murugsanaan siyaasadeed oo u eeg ta maanta darteed ayaanu ugu tagnay madaxweyne Rayaale 2007-kii

0
769

Kulankaa waxaanu madaxweynaha u wada  tagnay oo aan la socday Muj BoobeYuusuf Ducaale, Prof Saleebaan Axmed Guuleed, Prof Maxamed Siciid Gees, AHN Dr Adam Yuusuf Abokor, prof Xassan Halas, Jacfar Gaada-weyne iyo AHU Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).

Shirka bilawgiisa waxaa soo qabanqaabiyey Academiga Nabadda iyo Horumarinta (APD). Subaxnimadii hore waxaanu ku shirnay Hotel Ambassador oo aanu balan kula lahayn shirgudoonka golaha wakiiladda oo ahaa C/raxmaan Cirro, Cabsi casiis Samaale iyo Baashe Maxamed Faarax, isla galinkii dambena  xafiiska Academiga (APD) ayaanu isugu nimid intayaddii guddida ahayd si aanu ugu diyaar garawno kulanka Madaxweynaha.

Xili fiid ah oo wakhtigii balantu ahayd ayaanu madaxtooyadda tagnay. Albaabka ayaanu ku kulanay Maxamed Xusseen Cismaan (Muadinka) oo ka soo daadagay dabaqa sare oo madaxweyne Rayaale fadhiyey. Maxamed hadda waa agaasimaha barnaamijka shaqo qaran. Bil amaara waa maalmihii Cabdilaahi Xussein Iimaan (Darawal) oo wakhti dheer ahaa wasiir aan dhicin uu is casiley ee wasaaradda caafimaadka loo magacaabi doono Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee KULMIYE. 

Waxaanu u tagnay madaxweyne Daahir Rayaale oo kali ah oo na sugaya. Salaan, soo dhawayn iyo shaah la noo diyaariyey ka dib hawshii aanu u soconay ayaanu gudo galnay.

Wakhtigaa KULMIYE waxaa uu ahaa xisbi mucaarad ah oo adag. Guddiddii doorashooyinka qaranka ee la magacaabay ayaa golaha wakiiladdu qaar u ansixin waayeen arrimo siyaasadeed dartood taasina waxay abuurtay khilaaf xoogan oo u dhexeeya madaxtooyadda iyo baarlamaanka, waana arrinta ugu wayn ee taagnayd.

Arrinta labaad ee jirtayna waxay ahayd in miisaaniyaddii golaha wasiiraddu ansixiyeen uu baarlamaanku wax ka badal ku sameeyeen una ansixiyeen si aan xukuumaddu raali ka ahayn taasina waxay sii hurisay khilaafkii jiray. Isla wakhtigaa waxaa xidhan oo xabsiga Mandheera loo taxaabay Dr Maxamed Cabdi Gaboose, Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid oo ku dhawaaqay inay sameeyeen ururkii QARAN.

Guud ahaan jawiga siyaaadeed ee dalku waa xasaasi, bulshaduna dhegta ayay u taagayaan dhaq dhaqaaq kasta. Sidaas oo kale , jawi doorasho ayaa la isku diyaarinayey guud ahaan dalka.

Waxaa hadalka bilaamay Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ah gudoomiyaha jaamacadda Camuud oo madaxweyne Rayaale u sharaxay arrinta aanu ula socono…..


La soco qaybaha dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here