Minnesota: Soomaali Loo Maxkamadeynayo Musuq-maasuq Baasaboor

0
988

Minnesota (Hargeisa Press) Nin Soomaali-Mareykan ah, ayaa hor yimid maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka toddobaadkan kaddib markii ay hay’addaha ammaanku ka soo qabteen garoonka diyaaradaha ee Minneapolis, xilli uu u safrayay waddanka Kenya.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac Ismaaciil oo 49 jir ah, ayaa lagu soo eedeeyay inuu si musuq-maasuq ah ku samaystay baasaboor xilli ay baadhitaanno ku socdeen mashruuc lagu taakuleeyo carruurta gobolka Minnesota intii ay socdeen xayiraadaha COVID-19.

Mashruuca Feeding Our Future, ayaa ah mid ballaadhan oo ay hay’adda dambi baadhista FBI ku waddo sida ay ku baxeen lacago malaayiin dollar ah oo loogu talo galay quudinta carruurta.

Qareenka Maxamed Jaamac Ismaaciil, ayaa maxkamada ka codsaday in la sii daayo maadaama aanay dacwadani ku salaysnayn eedaymaha musuq-maasuqa, laakiin ay tahay dacwad la xidhiidho sida uu baasaboorka ku samaystay.

Codsiga qareenka Maxamed Jaamac Ismaaciil, ayaa waxaa diiday garsooraha maxkamada garsooraha maxkamada Andrew M. Luger, isaga oo sheegay inuu xidhnaan doono inta uu kiiskani ka dhamaanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here