Midowga Yurub oo Qarka U Saaran Burbur

0
776
midowga-yurub-oo-qarka-u-saaran-burbur

Bressules (Hargeisa Press) – Waddmada Midowga Yurub, ayaa waxaa ay wajjahayaan Qalelaase siyaasadeed iyo jaahwareer dhaqaale.

Midowga Yurub, ayaa si ka fiirsasho la’aan ah ku taageeray dowladda Ukraine inay Dagaal la gasho dalka Ruushka. Sidoo kale dowladdaha midowga Yurub ayaa ku taageeray dowladda Mareykanka in Ukraine laga taageero dhanka Millateriga iyo dhaqaalaha.

Natiijadii Dagaalaka Ukraine waxay Noqotay in guud ahaan dalkii Ukraine inuu burburo, iyo in kala badh dalkii Ukraine uu gacanta u galay Ruushka, iyadoo Afar Gobol oo Dalka Ukraine ka tirsan si toos ah ay dowladda Ruushku u maamusho.

Khilaafka u dhexeeya Faransiiska iyo Jarmalka

Labada dowladood ee ugu tunka weyn Midowga Yurub (EU) Dhaqaale ahaan iyo Millateri ahaan, ayaa is khilaafsan. labadan dowladood khilaafkooda ayaa la xidhiidha sidii loo isticmaali lahaa shidaalka iyo Gaasta dabiiciga ah ee ka timaada dalka Ruushka, taasi oo la soo marinayo waddamda woqooyiga Afrika sida Al-jeeriya iyo Morooko.

Dowladda faransiiska, ayaa iydu aamisan inay waddamda Waqooyiga Afrika iyadu soo guumaysatay, sidaa awgeed waxay rabtaa inay Maamusho dhuummaha shidaalka oo iyada looga dambeeyo, halka dowladda Jarmalku ay rabto in shidaalkaa si siman ay u qaybsadaan waddamda Midowga Yurub xubinaha ka ah.

Ruushka, ayaa hadda maamulaya mustaqbalka waddamda Midowga Yurub wuxuuna awood u leeyahay inuu daqiiqad walba ka gooyo Qaaradda Yurub shidaalka iyo Gaasta dabiiciga ah. Xilli uu soo beeganyahay qaboobihii Qaaradda Yurub.

Qaboobaha, ayaa ku beegan xilliga uu Vladimir Putin la sugayay, waxayna dalalka Qaaradda Yurub inta aan la gaadhin Jiilaalka waajahayaan Dhaqaale xumo, sicir barar iyo qalalaase Siyaasadeed.

Dowladda Mareykanka oo dhibaatadan qoorta u gelisay waddamda Midowga Yurub, ayaa iyadu Dhaqaale ahaan sii kobcaysa, wallow aannay dhibaatada dagaalka Ukraine aannay ka badbaadin cidna, balse waxa la odhan karaa saamaynta dagaalka Ukraine dhanka Mareykanka marka loo eego dhinaca dalalka Yurub maaha sidaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here