Xildhibaannada Reer Sool Ee Golaha Guurtida oo Digniin Soo Saaray

0
1571

Hargeysa (Hargeisa Press) – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland ee laga soo doorto gobolka Sool, ayaa eedaymo kulul u jeediyay guddiga diiwaan gelinta iyo ansixinta urrurada siyaasadda Somaliland.

Xildhibaannadan oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Baarlamanka, ayaa sharci jebin ku tilmaamay go’aan ay soo saareen guddiga diwaan gelinta ururrada, kaasi oo la xidhiidhay in Gobolka Sool laga diiwaan gelinayo 400 oo qof oo Madaxtaabashada urrurada ah, halka Gobollada kale ee dalka laga diwaangeliyey Min 1000 Qof.

Xildhibaannadu waxay sheegeen in gobolnimada Sool shaki la galiyay arrinkaasina aanay ahayn wax la aqbali karo, iyagoona sheegey inay xaqiraad iyo nusqaamin ay u arkaan go’aanka guddiga.

Waxaa kale oo ay sheegeen in qaabka ay hadda wax u wadaan guddiga diiwaan gelintu aanay ahayn mid sax ah, iyaga oo farriin u diray Dadka gobolka Sool.

Sidoo kale, Guddida diwaan gelinta ayay ku eedeeyeen in ay laalush ka qaateen ururrada siyaasadda, waxaanay dadka reer Sool ugu baaqeen inay ka dagaalamaan arrintaa ay guddiga diiwaan-gelintu wadaan.

Xildhibaannadan, ayaa ku baaqay in guddiga diwaan gelintu ay ku soo laabtaan sharcigii ay golayaashu ansixiyeen ee gobollada dalka simayay, iyaga oo walaac xooggan ka muujiyay goobo lagu ururinayo dadka gobolkaasi, isla-markaana aanay gobolada kale la qabin.

Waxay Xildhibaannadu geesta kale codsadeen in loo caddeeyo sababta keentay in gobolka Sool dadkeeda iyo gobolnimadeeda loola dhaqmo in haaf lagu sheego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here