Midowga Yurub oo Dhex-dhexaadinaya Xukuumadda Somaliland iyo Mucaaradka

0
1750
midowga-yurub-oo-dhex-dhexaadinaya-xukuumadda-somaliland-iyo-mucaaradka

Hargeysa (Hargeisa Press) – Ergayga dowladda Finland u qaabilsan Geeska Afrika Suldaan Siciid Axmed, oo kulan la qaatay madaxda xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in uu danaynayo in uu dhexdhexaadiyo xukuumadda iyo mucaaradka isaga oo matalaya Midowga Yurub.

Qoraal lagu daabacay Boga Facebook ee xisbiga Kulmiye kulanka kadib, ayaa lagu sheegay in ergaygu uu doonayo in uu dhexdhexaadin ka gaysto khilaafka doorashooyinka ee u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka.

“Ergayga dowladda Finland ee Geeska Afrika Suldaan Siciid Axmed oo ah nin reer Somaliland ah, isla markaana ay wehelinaysay Cawo Axmed oo ka tirsan safaaradda Finland ee Nairobi, waxa uu sheegay inuu danaynayo isagoo ka wakiil ah Midowga Yurub inuu dhexdhexaadin ka galo khilaafka arrimaha doorashooyinka ee ka jira Somaliland”. ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhankooda madaxda xisbiga Kulmiye oo faah faahin ka bixiyay qodobada ay isku hayaan mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland, ayaa ergayga u sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin dhexdhexaadin iyo wadahadal kasta oo lagu soo afjarayo khilaafka taagan.

Ergayga, ayaa maalmihii las oo dhaafay kulamo la yeeshay madaxda axsaabta mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, isagoo kala hadlay khilaafka ka taagan doorashooyinka iyo waxyaabaha laysku hayo.

Si kastaba, welli waxa aan si kama danbays ah go’aan looga gaadhin labada doorasho – doorashada ururada/xisbiyada iyo doorashada madaxtooyada – ta soo hormaraysa. Waana arin keeni kara khilaaf xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here