Maydadka 50 Qof oo Laga Helay Webiga U Dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya

0
558

Khartoum (Hargeisa Press) – Sarkaal u dhashay waddanka Sudan, ayaa sheegay in masuuliyiinta gobolka Kassala ay ka heleen maydka ku dhawaad 50 qofood webiga u dhexeeya Sudan iyo Itoobiya, oo sida muuqata ka cararayay dagaalka gobolka Tigray, kuwaas oo qaarkood ay ka muuqdeen dhaawacyo rasaas lagu furay.

Qaar kale oo ka mid ah dadkan, ayaa gacmaha ka xidhnaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal arkay maydadkan.

Sarkaalkan, ayaa sheegay Isniintii in loo baahan yahay baadhitaan dambi baadhis ah, si loo ogaado sababaha dhimashada dadkan, waxaana sarkaakan uu codsaday in aan magaciisa la shaacin, maadaama aan warbixintan loo fasixin warbaahinta.

Laba shaqaale caafimaad oo Itoobiyaan ah oo ka tirsan bulshada ku nool xadka Sudan ee Hamdayet, ayaa xaqiijiyay inay arkeen maydadka laga helay Webiga Setit, oo Itoobiya looga yaqaan Tekeze.

Webigan wuxuu dhex maraa qaar ka mid ah meelaha ugu dhibka badan ee sagaalkii bilood ee colaadda Tigray, halkaas oo qowmiyadda Tigreegu ay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda xadgudubyo intii ay dagaal kula jireen ciidamada Tigrayga.

Tewodros Tefera, oo ah dhakhtar qalliin oo ka cararay magaalada Humera ee Tigreega u dhow, kuna sii jeeday Suudaan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in laba ka mid ah meydadkan oo la helay Isniintii uu midkood ahaa nin gacmaha laga xidhay, halka kan kalena ay aheyd haweeney uu dhaawac kaga yaallay feeraha, isagoo intaa ku daray in qaxooti kale ay aaseen ugu yaraan 10 mayd oo kale.

Waxa uu sheegay Tewodros in kalluumeysatada webiga Humera ay maydadkan ka soo heleen sagxadda hoose ee webiga, isla markaana ay rumeysanyihiin inay jiraan maydad intaas ka badan oo ku jira biyaha hoose ee Webiga.

In kasta oo ay adkayd in la aqoonsado meydadka, hadana dhakhtarkan, ayaa sheegay in mid ka mid ah gacantiisa uu ku xardhanaa magac Tigrinya oo ah magac guud oo luuqadda Tigreega ah.

Dhakhtar kale oo ka shaqeeya Hamdayet oo arkay meydadka, ayaa u sheegay AP in qaarkood ay leeyihiin calaamado wejiga ah oo muujinaya inay yihiin qowmiyadda Tigreega.

Bogga Twitter-ka ee dowladda Itoobiya, ayaa Isniintii ku tilmaamay warbixinta meydadkan olole been abuur ah oo ay faafinayaan dadka ka dhex shaqeeya ciidamada Tigrayga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here