Waa Kuma Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Wakiillada Somaliland?

0
2015

Hargeysa (Hargeisa Press) – Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland kadib tartan adag oo dhex maray Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka tirsan xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye.

Cabdirisaaq Khaliif oo ka socda xisbiga Waddani, ayaa helay codad gaadhaya 42 cod.

Hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa taariikh kooban oo ku saabsan Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1967-dii, waxabarshada hoose waxa uu ku qaatay isla magaaladaas.

Halka uu waxbarashadiisii sare uu ku qaatay koonfurta Soomaaliya. Waxaa se uu sheegay in aanu ku shaqayn wixii uu bartay isaga o u baydhay dhanka ganacsiga gaarka ah, maamulka iyo siyaasadda.

Labaatankii sano ee u dhaxeeyey 1991 illaa 2010 hawlahaas ayuu ku mashquulsanaa.

Xukuumadii ugu horreysay ee madaxweyne Siilaanyo ayuu ka noqday sannadkii 2010-kii wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska.

Halka mar kale 2013 bishii 7aad uu noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya.

Sannadkii 2015-kiina waxa uu ka mid tiro wasiirro ah oo iska casilay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo markii danbena ku biiray xisbigii mucaaradka ahaa ee Waddani.

Sannadkii 2016 – kiina waxa uu noqday xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani.

Halka 2018 bishii 3aa uu noqday Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Xisbiga Waddani.

Waxaana uu sannadkan xildhibaannadii cusbaa eee golaha Wakiillada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here