“May dhici jirin in xisbil xaakimka dal haysta laga badiyo oo weliba”….

0
512

Hargaysa (HP): Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed, oo ka mida salaadiinta Somaliland ayaa ka hadlay guulaha ay xisbiyadda siyaasadda somaliland ka kala heleen doorashooyinkii 31-kii bishii May ee ina dhaaftay.

Suldaan Ismaaciil suldaan C/raxmaan, oo sidoo kalena ka mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland waxa uu sheegay in waxyaabaha doorashadii dalka ka qabsoontay 31-kii May laga bartay  ay ugu mudan tahay in xisbil xaakimka laga badin karro oo uu aqbali karno.

Sidoo kale waxaa uu xusay in aanay dhici jirin in xisbil xaakim dal hasta laga badiyo oo uu soo dhaweeyo, isla markaana uu madaxweynuhu asxaabtii mucaaridka raggii ka soo baxay uu u sharaxo maayarnimo.

Suldaan Ismaaciil, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Doorashadii dalka ka qabsoontay 31-kii May, waxaa aan ka baran karnaa in xisbil xaakimka laga badin karro oo uu aqbali karnaa iyadana.

May dhici jirin in xisbil xaakimka dal haysta laga badiyo oo uu soo dhaweeyo oo waliba qaabilo madaxweynuhu asxaabtii mucaaridka raggii ka soo baxay, isaga oo u sharaxaya maayiro, waa wax innagu cusub oo aan ka baran karno”.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa arrintaasi  ku tilmaamay in ay tahay mid dhif iyo nadir in ay ka dhacdo wadamo badan oo dunidda ah in sidan oo kale ay caalamka uga dhacdo doorasho la mid ah kuwa Somaliland oo kale.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY