Maxkamadda ICJ oo Billaabaysa Dhagaysiga Dawcaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

0
843

NAIRIBI, (HargeisaPress) — Maxkamada danbiyada caalamiga ah ee (ICJ) ayaa lagu wadaa in ay dhagaysato dacwadaha khilaafka ah ee ka dhax-taagan dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku aadan muranka xadaha badda ee labada dhinac ka dhex jira.

“Dhagaysiga dacwaddan waxa ay bilaaban doontaa asbuuca danbe ,waxaa jira qareenno heer caalami ah oo Somaliya ka caawin doona arintan,” ayuu yiri Cabdi Xasan oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda dowladda Somalia.

Waxaa masuulkan u tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay sidii ay u difaacan lahayd xadkan lagu muran-sanyahay oo khilaafka ka taagan uu sii kordhayay bilihii la soo dhaafay,iyadoo dacwadda arintan la dhigay maxkamado ICJ ku jirto.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya General Githu Muigai ayaa sheegay in maalmo ka hor uu la shiray guddi khuburo ah oo qareenno u badan, kuwaas oo Kenya u doodi doona, isla markaana difaaci doona.

Arimahan ayaa imaanaya ,iyadoo madaxweynayaasha Somaliya iyo Kenya lagu wado in dhawaan ay ku kulmaan magaalada New yorka, waxaana Qaramada Midoobay ay qorshaynaysaa in labada masuul ay xal siyaasadeed kala dhex-dhigto inta ay jogan USA.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here