Aadan Ruush Oo Iftiimiyay Xogo Ku Saabsan Dilkii Loo Gaystay Saraakiisha Ciidanka ee Qorilugud

0
818

Hargeisa, (HargeisaPress) — Mujaahid Aadan Maxamuud Diiriye (Aadan Ruush), ayaa Dilkii Askari Ciidanka ka tirsani u gaystay Abaanduulihii iyo taliyihii hawl galinta ee Guutada 17-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland ku tilmaamay Shirqool laga soo shaqeeyay islamarkaana baxsashadiisu ahayd mid hore loo qalqaaliyay.

Siyaasi Aadan Ruush Oo Maanta Warbaahinta Kula hadlay Xarunta Xisbiga Waddani oo uu dhawaan ku biiray ayaa sheegay in sidoo kale Ciidan Beeleed ku dhex jira Ciidanka qaranku qalqaaliyay baxsashada Askariga dilka gaystay oo dhinaca Buuhoodle u baxsaday.

“Saraakiil baa la laayay Ciidanka Qaranka ka tirsan oo waajibaadkoodii guddanaya. Maxaa loo laayay lama odhanayo oo Maqaadiirtu way imanaysaa laakiin siday ku timid ma shirqool bay ku timid, Ma Arin Alle oo iska dhacay baa siday ku timid? Shir qool bay ahayd.Saraakiishii Ciidanka Xukumaysay oo Ninkii Anshax Xumada u xidhnaa baa inta Xadhigii laga soo furay oo Qori buuxa loo soo dhiibay oo iyagii oo Salaadda ka soo baxay lagu furay ka dibna la fakiyey oo la qalqaaliyay oo maanta Khaatumo la jooga waa Shirqool.” Ayuu yidhi Mujaahid Aadan Ruush.

Aadan Ruush waxa uu sidoo kale layaab ka muujiyay Ciidan beeleed uu sheegay inay qayb ka yihiin baxsashada Ninka toogtay Saraakiisha Oo Ciidanka Qaranka ku dhex jira.Waxa uu Masuuliyiinta Ciidanka Qaranka ku dhaliilay sida ay u ogolaadeen in Ciidan Beeleed Militariga ku dhex jiro.

“Waxase kale oo la yaab leh Ciidan Beeleedka Markii Kalshaale Dagaalka iyo Hawshu ka socotay lagu dhex daray Ciidanka ee aan tababarayn Saraakiisha Ciidanku ugu dhex hayaan Ciidanka.Sidee buu Ciidan aan tababarayni Ciidanka ugu dhex jiraa?Ninka Qoriga loo dhiibayo Xilkiisaa lagu tababaraa inuu hanan karo iyo inkale,Anshaxiisaa lagu tababaraa, Ma Nin Geeljire ah oo qori loo dhiibay baa Ciidan la dhex dhigaa oo haddii la caayo Xabbadda ridaya. Waa Arin la yaab leh oo anigu hadda ka horba aanan ogayn, dee Madaxweynaha,Wasiirada iyo Jannanada waxaas eeganayaa maxaa kale ee ay Masuul ka noqon karaan” ayuu yidhi Aadan Ruush.

Mujaahid Aadan Ruush waxa uu masuuliyiinta qaranka iyo kuwa ciidankaba u soo jeediyay Ciidanka Militariga laga dhex saaro Ciidan Beeleedka “ Milatari waa Milatari oo waajibaad gaar ayuu leeyahay iyo inuu difaaco wixii dalka dibada kaga soo duulaya oo Cadawga dibadda ayuu ilaalinayaa.Beelaha dalka gudihiisa isku haysta iyo Milatariga hala kala saaro oo Beeshu haddii ay wax iska celinayso iyo haddii la heshiisiinayaba Bannaankeeda ha loo saaro”

Aadan Ruush oo Arintan ka sii hadlaya waxa uu yidhi “ waxaa arintan ka sii daran markii dadkii Saraakiishaa Ehelka u ahaa ee Aabbeyaasha u ahaa yidhaahdeen Maydkoodii baanu soo qaadanaynaa si ay ugu samraan Hooyooyinkood iyo qosaskoodii ayaa la yidhi qaadan Maysaan, Ninkuna wuxuu xaq u leeyahay Qoyskuu ka dhintay in loo keeno oo ay Aastaan. Maydka Inankaaga qaadan Maysid xaggay ka timid? Mudaharaadka Gabiley ka dhacay waxaas buu ka yimid” ayuu Aadan Ruush yidhi

Gabagabadii Aadan Ruush waxa uu Xukumaddu soo jeediyay inay talaabo ka qaado Dilka Saraakiishaasi loo gaystay “ Xukumadda waxaan u soo jeedinayaa,arintaas dadkii Saraakiisha dhalay waxay u haystaan Shirqool,Umadda reer Somaliland ee arintaas arkaysaana Shirqool bay u haystaan, markaa waan in Guddi madax banaan oo Daacad ah oo la dhaariyo loo Saaraa Arintaasi” ayuu yidhi Aadan Ruush.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here