Maxkamada Racfaanka Ee Gobolka Maroodi Jeex oo Damaanad Ku Sii Daysay Mulkiilihii Telefishanka Horyaal

0
892

Hargeisa (Hargeisa Press) – Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Maroodi Jeex ayaa waxa ay damaanad ku sii daysay Milkilihii Telefiishanka Horyaal Maxamed Cismaan Mire (Sayid).

Mulkilaha Telefiishanka Horyaal ayaa Ciidamada Booliska Somaliland 7 dii bishan xabsiga u taxaabeen, Iyadoona dhinaca kale Ciidamo ka socda xarunta danbi baadhista ee CID-du ay xarunta Telefiishanka la wareegeen.

Sababta keentay in Ciidamada Boolisku xabsiga dhigaan Mulkilaha Telefiishanka Horyaal ayaa lala xidhiidhiyay barnaamij uu Telefishanku baahiyay oo dood, kala qaybsanaan iyo falan-qayn badan ka dhex abuuray bulshadda.

Barnaamijkaasi ayaa ka hadlayay goobo ku yaala magaalada Hargeysa oo ay ku Qayilaan Haweenka Dhalinyaradda ahi, inkastoo Gabdhahaasi muuqaalkooda la qariyay codadkoodana la dhalan rogay.

Hase yeeshee barnaamijkaasi ayaa noqday mid si weyn saamayn baaxad leh u yeeshay, kaasoo ay qaybo badan oo dadweynaha Hargeysa ah soo dhaweeyeen kuna tilmaameen mid wacyigelin ah.

Dhinaca kale, Maxkamada Racfaanka ee gobolka Maroodi Jeex ayaa diiday inay damiin ku sii dayso laba wariye oo ku xidhan Hargeysa kuwaas oo maalmihii u dambeeyey xidhnaa.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in Ururka SOLJA uu uga mahadnaqayaan Garsoorka Damaanada ay ugu sii daayeen Mulkiilsha Telefishanka Horyaal, Maxamed Cismaan Mire (Sayid) isla markaana ay ka aqbasho codsiga damaanada labada wariye ee xidhan oo dacwadooda la dhagaysto iyagoo banaanka jooga.

Hase Yeeshee Maxkamada Rafcaanka gobolka Maroodi Jeex ayaa diiday inay damiin ku sii dayso labadaasi wariye.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here