Nin Shimbir ka cararaya oo geeridiisa la kulmay

0
720

Nin u dhashay waddanka Australia ayaa geeriyooday ka dib markii uu shil la galay baaskiil uu kaxeynayay, isagoo xilligaas isku dayayay inuu ka baxsado Shimbir weerar kusoo qaaday.

Ninkan oo dhintay maalintii Axadda ayaa 76 jir, wuxuuna u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo kasoo gaadhay madaxa.

Baaskiilkii uu watay ayaa waddada kala baxay wuxuuna kula dhacay xeyndaab loo sameeyay goob gawaadhida lagu xareeyo oo ku taalla koofurta magaalada Sydneyd, sida ay booliska dalkaas sheegeen.

Inkastoo ay dhakhaatiirta gurmadka deg-degga ah isku dayeen inay badbaadiyaan, ninkan ayaa goor dambe ku dhintay Cisbitaalka.

Shimbiraha afka qalaad lagu yidhaahdo “magpie” ee dalka Australia ayaa si weyn loogu yaqaannaa inay joog hoose ku duulaan xilliyada Guga, isla markaana ay weerar ku qaadaan dadka baaskiillada wata.

Inta badan weerarrada uu shimbirkan geysto ayaa dadka gaadhsiiya dhaawacyo, laakiin kiisaska dhimashada ayaa ahaa kuwo dhif ah.

Booliska ayaa sheegay inay warbixin ku saabsan qaabka ay u dhacday dhacdadaas u diyaarin doonaan saraakiisha waaxda qaabilsan kiisaska dhimashada ee kadiska ah, gaar ahaan kuwa ka howl galaya goobta ay arrintan ka dhacday ee ku taalla magaalada Wollongong ee gobolka New South Wales

Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo tabisay weerarro dhowr ah oo ay shimbiraha noocan ah u geysteen dad kala duwan.

Shimbirka magpie-ga ee ku nool waddanka Australia ayaa ka dhaqan duwan shimbiraha ay magacaas isla wadaagaan ee ku nool qaaradda Yurub.

Xilliyada uu roobka guga da’o waxay shimbirahan weerarro ku qaadi karaan dadka ku ag dhow goobaha ay joogaan.

Horaantii bishan, sarkaal ka tirsan dowladda hoose ee Sydney ayaa cadho weyn muujiyay ka dib markii ay ciidamada ilaalada duur joogta toogasho ku dileen Shimbir halis ku ahaa dadweynaha, kaasoo shacabka cabsi ku hayay muddo sanado ah.

Shimbirkaas ay ciidanka dileen ayaa hore u weeraray dad badan oo ku sugnaa buuraleyda dhinaca waqooyi ee magaalada Sydney, qaar ka mid ah dadkii uu waxyeellada u geystay ayaana isbitaallada la dhigay.

Warbaahinta ABC ee dalka Australia ayaa soo tabisay in mid ka mid ah dadka deegaanka uu wadne xanuun ku dhacay xilli uu ka ordayay Shimbirkaas.

Saraakiisha ciidamada ilaalada xayawaanka ayaa difaacay go’aanka ay ku dileen Shimbirkaas. Sharciga dalka Australia ayaa dhigaya inaan waxyeello loo geysanin shimbiraha hase yeeshee wuxuu fasaxayaa inay la tacaali karaan mas’uuliyiinta deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here