Taiwan oo U Debaaldegtay Sannad-guurada Markii Ay Somaliland Ka Samaysatay Xafiis Diblomaasiyadeed

0
1976

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xafiiska dowladda Taiwan ee Somaliland, ayaa maanta u debaaldegay sannad-guuradii ugu horreysay tan iyo markii ay Taiwan xafiis diblomaasiyadeed ka samaysay Somaliland.

Xafiiska Taiwan ee Somaliland, ayaa sidoo kale waxaa uu soo bandhigay Ardaydii reer Somaliland ee ay dowladda Taiwan siisay Deeqaha Waxbarasho.

Munaasibadan, ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdallahi Ismaaciil Saylici, Wakiilka Xafiiska Taiwan ee Somaliland Ambassador Allen C. Lou, Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Caafimaadka, Beeraha, Isgaadhsiinta & Teknolojiyada, Komishanka Qaranka ee Tacliinta Sare, Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka, madaxda Xisbiyada qaranka, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahan iyo Ardayda qaatay deeqaha waxbarasho iyo qoyskooda.

Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland Allen Lou oo ugu horayn munaasibadaasi hadal ka jeediyay, ayaa ugu hambalyeeyay dadka reer Somaliland guusha ay ka soo hooyeen martigelinta Taiwan muddo hal sano ka badan.

Lou, ayaa ballan qaaday in Taiwan ay sii wadi doonto Taageerada ay siiso Somaliland oo ay marin u tahay waddamada kale ee Afrika.

Wuxuu sheegay in labada dal ay wadaagaan taariikh, xorriyad iyo Dhaqan, isaga oo ku celceliyay in Taiwan ay sii wadi doonto taageerada ay ka siiso Somaliland dhinaca ICT -ga, Beeraha, Tamarta, Ganacsiga iyo qeybaha kale.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna hadal ka jeediyay xafladaasi, ayaa sheegay in mudadda sanadka ah ee ay safaaradda Taiwan ka furnayd Somaliland in ay muujisay waxqabad balaadhan oo dhinaca iskaashiga labadda dal ah.

Madaxweyne ku xigeenka, ayaa waxyaabaha faa’iidadda ah ee ay Somaliland ka heshay Taiwan ku tilmaamay in ay ka mid tahay Ardayda reer Somaliland ee ay deeqdda waxbarasho siisay dowladda Taiwan.

Waxa kaloo uu sheegay in tallaabooyin waaweyn ee ay safaaradda Taiwan qabatay intii ay Hargeysa ka furnayd ay ka mid tahay sidii ay xukuumadda Somaliland iskaga kaashadeen xakamayntii xanuunka Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi , ayaa ku bogaadiyay dowladda Taiwan inay Somaliland ka caawisay la -dagaallanka Covid -19.

Dhanka kale, Duqa Hargeysa, Cabdikariin Axmad Mooge, ayaa dowladda Taiwan uga mahadceliyay Taageerada ay markasta la garab taagan yihiin Somaliland, isagoo intaas ku daray in xidhiidhku uu u taagan yahay inuu faa’iido badan u keeno labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here