Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland iyo Dublamaasiga Denmark?

0
725

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa waxaa uu kulan la yeeshay safiir ku xigeenka dalka Denmark Amb Gertrud Birk.

Kulankan, guddoomiyaha iyo safiir ku xigeenka, ayaa ka qabsoomay xarunta guud ee Maxkamadda sare ee Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay xubno ka tirsan maxkamadda sare ee dalka.

Sidoo kale, Safiir ku xigeenka dalka Denmark, ayaa waxaa isna kulanka ku wehelinayay madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland Mathias Kjaer.

Lama ogga ujeeddada kulanka iyo arrimaha lagaga hadlay, balse qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali, ayaa lagu sheegay in kulanka lagaga hadlay arrimo la xidhiidha wada-shaqaynmta dhinaca garsoorka.

“Kulanka ay yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Gayaqaan Aadan Xaaji Cali iyo safiir ku xigeenka dalka Denmark Amb Gertrud Birk, oo uu weheliyay madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland Mathias Kjaer, waxay ujeeddadiisu ahayd is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal, gaar ahaan dhinaca garsoorka iyo sidii loo sii xoojin lahaa.” ayaa lagu yidhi, qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here