“Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo taariikhda Somaliland way isku tid-can yihiin…”

0
585

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa si weyn u amaanay doorkii taariikhda siyaasadeed ee Somaliland iyo Soomaaliyaba ku lahaa madaxweynihii hore ee Somaliland AHUN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Waxaanu sheegay in ay isku tid-can yihiin taariikhda Somaliland iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, isla markaana mar kastoo la qorayo taariikhda Somaliland inuu soo gelayo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Eng. Faysal Cali Waraabe, oo magaaladda Hargaysa wrbaahinta kula hadlay ayaa tilmaamay in Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, uu ahaa ninkii ku taliyay in muddo lix bilood ah laga joogo ku darsigii Soomaaliya sanadkii 1960-kii.
Guddoomiyaha UCID ayaa hadalkiisan ku soo beegay 20 guuradda ka soo wareegtay geeridda AHUN madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo ku beegnayd 3-dii bishan May.
Waxaanu intaas raaciyay in Cigaal AHUN uu ahaa nin geesi ah oo vision leh, isla markaana uu la mid ahaa Jamaal Cabdi Naasir, iyo Kwama Nakruume, iyo Joma Kenyatta.
Geesta kale Eng. Faysal, ayaa Cigaal ku amaanay sidii waddaniyadda iyo bisayl siyaasadeed ku dheehnaa ee uu uga shaqeeyay nabadayntii iyo dib u dhiskii Somaliland.

Isagoona xusay in haddii aanu Cigaal madaxweyne inoo ahayn sanadkii 1993-kii in Somaliland la keeni lahaa ciidamaddii nabad ilaalinta ee UNISOM, hase yeeshee in arrintaasi uu diiday Cigaal.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here