Maxaa U Qabsoomay Hay’adda Dhawrista Tayadda Somaliland?

0
654

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha hay’adda dhawrista Tayadda Badeecadaha Somaliland ayaa sheegay in mudooyinkii u danbeeyay ay  laban-laabeen baadhista badeecooyinka  yaalla suuqyadda magaalooyinka dalka.

Sidoo kale-na ay dar-dar geliyeen baadhitaanadda ay ku sameeyeen Wershadaha dalka ku yaalla ee waxyaabaha kala gedisan soo saara, isla markaana ay qiimayn ku sameeyaan meel kastoo shaqadoodu gasho.

Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, waxa uu intaas raaciyay in inkastoo aanay weli helin qalabka lagu shay-baadho badeecooyinka, hada-na ay ku dedaaleen sidii kor loogu qaadi lahaa in la ilaaliyo tayadda cuntooyinka iyo daawooyinka dalka la keeno.

Waxa kaloo uu sheegay in u jeedadda koowaad ee hay’adan loo aasaasay ay tahay horumarinta qaranka ee dhinaca badeecadaha, isla markaana ay wada shaqayn la leeyihiin afar wasaaradood.

Hay’adda dhawrista Tayadda Badeecadaha Somaliland oo la aasaasay sanadkii 2010-kii, ayaa xeerkeedda la ansixiyay sanadkii 2014-kii.

Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad balaadhan oo shalay lagu daah-furayay qorshaha shanta sanadood ee soo socda ee hay’addaasi.  Taasoo uu shalay si rasmiya u daah-furay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Halkan Hoose Ka Daawo Khudbadda Guddoomiyaha Hay’adda Tayadda:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here