Hargeysa (Hargeisa Press)- Dalladda haweenka Nagaad, ayaa waxaa ay maanta magaalada Hargeysa ku qabatay shir dib-u-eegis ku sameynaya shuruucda la xidhiidha qoondada haweenka Somaliland.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay xildhibaanno ka socda Golaha Guurtida, Agaasimaha Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Agaasimaha wasaaradda Cadaaladda, Guddoomiyaha Dalladda SONSAF, haweenka warbaahinta, khubaro sharci, iyo dumarka u sharraxan doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka.
Intii uu socday shirku, waxa laga dooday muhiimadda qoondada haweenka iyo caqabadaha haysta ka qaybgalka dumarka ee golayaasha qaranka.
Shirku wuxuu isla qaatay qodobadan:-
1. Ahmiyadda ay leedahay in haweenku helaan saamigooda kuraasta golayaasha qaranka.
2. In qoondada haweenka waafaqansan tahay mabaadi’da dastuurka JSL.
3. In dhaqanka iyo fahan la’aanta sharci caqabad ku tahay hirgelinta qoondada haweenka.
4. In xalka ugu habboon ee dumarku ku heli karaan kuraasta golayaasha qaranku tahay ansixinta qoondada haweenka.
5. Shirku waxa uu golayaasha qaranka ugu baaqay in ay dardargeliyaan ansixinta xeerka qoondada haweenka lana raaciyo xeerka doorashooyinka qaranka 91/2023
Shirku wuxuu si xooggan ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada inay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo qoondada haweenka si ay u suurtgasho in haweenku ka qayb noqdaan, golayaasha sharci-dejinta iyo go’aan gaadhista.