Maxaa Trump ku khasbay inuu cuna qabateynta ka qaado Turkiga?

0
594

Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay in dhamaan cuna qabateynadii la saaray Turkiga oo la xiriirtay weerarkii Turkigu ku qaaday deegaanada xoogaga kurdiyiintu haytaan ee waqooyi bari suuriya la qaaday .

Go’anka Trump ayaa imaanaya ka dib markii Turkigu uu ogolaaday inuu xabad joojinta waqooyiga Suuriya sii wadayo

Isaga oo ka hadlayay Magaalada Washintoon ayuu sheegay Mr Trump in Dolwadda Turkiga ay u balan qaaday in ay joojinayso howgallada ay ka wado waqooyiga Suuriya.

Waxa uu yiri :”Aroortii hore ee saaka dowladda Turkiga ayaa waxey maamulkayga u shegeen inay joojinayaan gulufkii ay ka wadeen Suuriya ayna heshiiska xabad joojinta ka dhigayaan mid toos ah”.

”Marka sidaa drteed waxaan la hadlay Xoghayaha Maaliyadda waxaana u sheegay in Turkiga laga qaado dhammaan cunaqabateenadii la saaray 14-kii bishaan Octobar aynu ku jirno taasi oo jawaab u ahayd tallaabadii Turkiga ee ka dhanka ahayd kurdiyiinta waqooyi bari ee Suuriya”, ayuu yiri Trump.

Turkiga ayaa weerarka waqooyiga Suuriya billaabay kaddib marki uu Mareykanku ku dhawaaqay in uu si lama filaan ah uu ciidamadiisa uu ula baxayo. Iyada oo ay ciidamada Mareykanka ay gacan siinayeen xoogagga kurdiyiinta, ee Mareykanka xulafada kula ahaa dagaalkii lagula jiray ururki Daacish ee gobolkaasi ka dagaallamayey.

”Cunaqateenada waa la qaaday marka ilaa aan ka aragno waxyaabo aanu ku faraxsanyn ee gobolaasi ka dhaca ma jiri doonaan cuna qabateynno kale”, sidaasi waxaa hadalkiisa ku sheegay madaxeyne Trump.

Ciidamada Turkiga ayaa sii wada gacan ku haynta aagga ay qabsadeen muddadii uu socday dagaalka ay kula jiraan kurdiyiinta, Turkiga oo xoogaggaasi u arko iney yihiin argagixiso.

Qorshaha Turkiga uu aaggaasi ka damacsan yahay ayaa waxaa ka mid ah inuu “aag ammaan ah” ka abuuro xadka uu la wadaago Suuriya kaddibna uu dajiyo qoxooti ka badan Laba milyan oo Suuriya ka soo jeeda.

Dhanka kale Madaxweyne Trump ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay gaareen Turika iyo Ruushka.

Hadaba maxaa ka mid ahaa heshiiskaasi?

Dagaallamayaasha xooggaga kurdiyiinta ayaa loo qabtay 150 saacadood iney xadka ka fogaadaan 30 killo mitir laga billaabo caawa.

Marka uu dhammaado wakhtiga loo qabtay iney kurdiyiinta xadka Suuriya iyo Turkiga uga baxaan, ciidamada Turkiga iyo kuwa Ruushka ayaa ilaalo wada jir ah ka billaabaya bariga iyo galbedka dhulka uu Turkiga dagaalka ka wado.

Warmurtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Ruushka iyo Turkiga ayaa lagu sheegay in xoggaga kurdiyiinta ” laga saarayo” Manbeyj iyo magaalada Tal-rifar oo 50 kiilo mitir u jirta kuna beegeen galbeedka dhulka uu Turkigu howlgalka ka wado.

Arbacdina wuxuu wasiirka gaashaan dhigga Ruushka sheegay xukumadda Suuriya iney 15 goobood ay ka sameynyso xadka Turkiga uu la wadaago.

Khasaare intee la eg ayuu geystay gulufka Turkiga ee waqooyiga Suuriya?

Qaramada Midoobay waxay sheegtay dad ka badan 176,000 oo ay ka mid yihiin 80,000 oo carruur ah iney labadiI toddobaad ee ugu dambeeyey oo keli ah ay ka barakaceen waqooyiga-bari ee dalka Suuriya, iyada oo ay aaggaasi ku nool yihiin dad ka badan 3 milyan oo qof.

Dad ka badan 120 qof oo rayid ahna ay ku dhinteen dagaallada ka dhacayey Waqooyiga Suuriya iyo dagaallamayaasha Kurdiyiinta oo gaaraya 259, 196 ka mid ah maleeshiyada Suuriya ee xulafada la ah Turkiga iyo 7 askari oo ciidamada Turkiga ah.

20 qof oo rayid ah ayaa sidoo kale lagu dilay weerar ay YPG ku qaadeen qayba ka mid ah dalka Turkiga, sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here