Maxaa Sababay In Madaxweyne Siilaanyo Oo Codka Shacbiga Ku Yimi Ka Dhuunto Saxaafadda, By C/raxmaan Cadami

0
901

Craxmaan CadamiDabeecada Aadamaha waxa ka mid ah in qof walba noloshiisa mar,  ama in ka badan la kulmo dhibaato,  yaalaa ma dhacdo inuu cimrigiisa ku dhamaysto dhibaato la’aan (Things in Life will not always run smoothly) hase ahaatee dadku way ku kala geesisan yahay maaraynta dhacdooyinka iyo duruufaha addag ee la soo darsa, rag iyo dumarba dadka qaar baa u dhabar adayga oo xalna u hela , dadna daadkaa qaada waxay isu dhiibaan wakhtiga iyo wayahay haleelay.

Sidaas oo kale waxa la mid ah madaxda marka ay dhibaato soo waajahado dalalkooda laakiin guuldarada madaxdu way ka saamayn wayn tahay guuldarada qof qudha waxay taabanaysaa bulshada oo dhan.

Habrashada iyo go’aan qaadasha la’aanta madaxdu wakhtiga addag waxay khatar ku tahay amniga, nabad-geliyada, rajada iyo hanka shacabka, waxay dareemaan hubaal la’aan (Uncertainty) iyo inaanay isku halayn Karin hogaaminta madaxweynahooda.

Si kastaba ha ahaatee geesinimada siyaasadeed ee madaxweynayaasha waxa door ka qaata taariikh nololeedkiisa sida waayo-aragnimadiisa siyaasadeed iyo maamul, aqoontiisa iyo inuu yahay qof ku kalsoon qofnimadiisa, waxase arrimahaas oo dhan ka muhiimsan sida uu xukunka ku yimid.

Madaxweynaha si dimuqraadi ah loo soo dortay ee haysta mandate-ka shacabkiisa wuxuu ka geesisan yahay kuwa talada boobay ee xooga ku qabsaday ama ku yimid doorasho been-been ah oo lagu shubtay ama kooxi caleemo saartay kuwaa iyaga waxa ku badan shakiga waxay u nugul yihiin dhaliilaha waxa ku badan cabsida dulqaadkuna wuu ku yar yahay.

Ma dhici karto in Madaxweyne digtaytar ah ama mid la soo macmalay inuu ka furfurnaado Madaxweyne ku yimid codka shacabka,  hase ahaatee horaantii wiigan Telfishanada Soomaalida mid ka mid ah waxaan ka daawaday madaxweynaha soomaliya oo la wada ogyahay sidii uu kursiga ku fuulay iyo isaga oo talada u daba fadhiya wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobay oo si toos ah u xukuma Somalia ayaa hadana si kalsooni ah u soo hor fadhiistay saxaafada madax banaan,  isagoo ka jawaabayay su’aal kasta oo la waydiiyay xataa wuxuu si degan uga jawabay Su’aalo aan meesha qaban ama aan munaasiba ahayn oo la weydooyay.

Jawaabaha uu bixiyay in lagu qancay iyo in aan lagu qancin muhiim maaha waxa muhiim ah sida uu ugu dhiiraday inuu ka jawaabo wax kasta oo la waydiiyay, bal hadaba aynu barbar dhigno Madaxweyneheena Axmed Maxamed Maxamuud oo ku yimid rabitaanka shacabka oo isagu ka dhuunta, ama ka warwareega inuu qaabilo saxaafada madaxa banaan si dadweynuhu u helo jawaabaha su’aalo badan oo ay gocanayaan iyo in lala socodsiiyo waxa dalka ka socda.

Madaxweyne Siilaanyo Cabsida Saxaafada wuxuu ka qaaday sas iyo xanuunka loo yaqaano paranoid-ka.

Inkasta oo saxaafadu door lama ilawaan ah ku lahayd guushii uu doorashada ku helay iyo iyaga oo ahaa saaxiibo aan la kala dhex marin maanta wuxuu u arkaa inay yihiin cadaw iyo warmo isaga ku soo maqan, hadaba madaxweynuhu haddii uu berri ahaan jiray halyey u dooda ama u taagan difaaca saxaafada iyo xoriyatul qawlka maxaa iska bedelay markii uu isku hubsaday guusha?

Dad baa heli kara sababo badan anigu se waxaan u malaynayaa sidan:-

1-Dhakhtiirtu way uga cabsi badan yihiin cudurada dadka caadiga ah waxay garanayaan xanuunka iyo halista cudurka, Culimadu Xaga Illahay way uga cabsi badan yihiin dadka caamada ah waxay garanayaan adoonku ciqaabta uu la kulmi karo Aakhiro haddii aanu la iman camal wanagsan, sidaa soo kale Madaxweynuhu ololihii doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka ee 2010 wuxuu ogaaday in Saxaafada Somliland ka miisan waynayd dedaalkii xisbiga Kulmiye iyo taageeradii dadweynaha oo laysku daro , wuxuu ogaaday in Saxaafadu u legeday ragii tartanka kula jiray, wuxuu dareemay awooda warbaahinta casriga ah iyo inay isaga iyo xukuumadiisana ridi karaan

2-Madaxweynaha waa loo han waynaa,  laakiin wuxuu ku fashilmay hogaamintii dalka wax kastaba way ka sii xumaadeen halkii uu ugu yimi markli uu xilka la wareegay sanadkii 2010, waxa sii gudhay rajadii iyo kalsoonidii dadweynaha waanay adag tahay inuu madaxweynuhu jawaabo waafi ah u helo fadeexado loo tirinayo in ay sabab u yihiin rag ka ag dhaw-dhaw, sidaa awgeed wuxuu doorbiday inuu waligiiba ka warwareego saxaafada madaxa banaan oo aanu marnaba oggolaan inay si toosa isaga hor yimaadaan iyo waliba inuu dagaal ku qaado.

Madaxweyanaha si loo ilawsiiyo werwerka maamulkiisa fashilmay iyo tariikhda xumaatay ama niyada loogu dhiso waxay ku maaweeliyaan sawiro la soo ururiyay iyo warbixino qurux badan, faan iyo amaan iyo isaga hortii in aan  waxba la qaban, buuqa iyo qayladu waxay ka soo yeedhaysaa xisbiyada mucaaridka ah ee dadweynuhu waa mabsuud.

C/raxmaan Cadami

abdirahamanadami@yahoo.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here