Mashruuca Tamarta Cadceedda Cusbitaalka Laascaanood Oo Xadhiga Laga Jaray

0
490

Laascaanood (HP): Waxaa maanta xadhiga laga jaray mashruuca Tamarta Cadceedda ku shaqeeya oo laga hirgeliyay cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood.

Waa mashruuc faa’iido weyn u leh dadweynaha magaaladda Laascaanood gaar ahaana cusbitaalka guud ee magaaladaasi, iyadoo xiliyadii hore ay istcimaalka Korontadda ku bixi jirtay lacag aad u badan.

Balse imika waa lacag la’aan helitaanka addeega korontadda ee cusbitaalka magaaladda Laascaanood.

Barnaamijkaasi waxaa hirgelisay wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland oo kaashanaysa dawladda Norway. Kaasoo addeega Korontadda loogu shiddo cusbitaalka Laascaanood.

Waxaana mashruucaasi xadhiga ka jaray agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland  Mukhtaar Maxamed Cali, oo ay wehelinayeen badhasaabka Sool, iyo maayarka Laascaanood.

Sidoo kale waxa mashruucani ka faa’iidaysanaysta bulshadda magaaladda Laascaanood, oo ka hela addeeg Koronto oo qiimihiisu aad u jaban yahay.

Mashruucani ayaa ah mid ku cusub wadamadda Geeska Afrika, marka loo eego qalabka loo isticmaalayo oo ah mid casri ah.

Waxaanu ka kooban yahay 71 KW oo solar ah, halka  kaydkiisa Baateriguna uu yahay 100KW/h. sida uu sheegay isku-duwaha wasaaradda macdanta iyo tamarta ee gobolka Soo loo faahfaahin ka bixinayay mashruucaasi.

Helitaanka mashruucan Solarta Cadceedda ku shaqeeya ayaa baahi xoog leh ka daboolay dhinaca kharashka ee cubsitaalka magaaladda Laascaanood, iyadoo ay u bad-baaday lacag lagu qiyaasay $3000, oo dollar oo bil kasta lagu bixin jiray addeega korontadda.

Taasoo ay dareemi karaan oo keliya dadkii xog ogaalka u ahaa xiliyadii hore, sida uu sheegay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool Dr. Khaliif.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY