Somaliland: Olole Dadka Lagaga Baadhayo Covid-19 Oo Goboladda Laga Fuliyay

0
469

Hargaysa (HP): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay goboladda dalka ka fulisay olole bulshadda lagaga baadhayay  si bilaash ah xanuunka Coronavirus oo ay weli khatartiisu taagan  tahay.

Waxaanay ololahaasi  wasaaradda caafimaadku 14-kii bishan ka bilawday magaaladda Boorama, iyadoo ay ku xigeen goboladda Togdheer, Maroodijeex, Sool, Sanaag, Saraar iyo Saaxil.

Munaasibadii shaacinta ololahaasi ee maanta isku baadhay wasiirka wasaaradda caafimaadka, wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi.

Dadka laga baadhayay xanuunka Covid-19 ayaa ahaa dadkii uu hore u soo maray xanuunkaasi ee cusbitaaladu ay xaqiijiyeen inuu ku dhacay.

Sida uu sheegay Dr. Yuusuf, oo ka mida dhakhaatiirta ka hawl-galla wasaaradda caafimaadka Somaliland

Sidoo kale waxaa maalmihii la soo dhaafay si bilaash ah loogaga baadhay xanuunkaasi dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargaysa.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here